Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa la sheegay in uu ka maqnaan doono kabtankeeda iyo weeraryahankeeda Karim Benzema kulanka adag ee Axadda ay martida ugu noqonayaan Barcelona ee is-aragga labaad ee horyaalka LaLiga.
Real Madrid ayaa u safri doonta Catalonia iyadoo uu ka maqan yahay Karim Benzema iyo waliba dheemankii da’da yaraa ee usoo baxay ee Alvaro Rodriguez oo uu Carlo Ancelotti ku fikirayay inuu ka dhigo beddelka xiddiga Faransiiska.
Tababarkii Real Madrid ee maanta ayaanu kasoo qayb-gelin Karim Benzema oo la dhibaatoonaya dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Liverpool ee lugta labaad ee wareegga 16ka Champions League ee Arbacadii, waxaana xaaladdiisa gacanta ku hayay dhakhaatiirta Real Madrid oo isku dayaya inay daaweeyaan.
Carlo Ancelotti ayaa berri duhurnimada ka hadli doona heerka uu gaadhsiisan yahay dhaawaca Karim Benzema iyo muddada uu garoomada ka maqnaan doonaba, hase yeeshee waxa aan illaa hadda ka quusanin Real Madrid oo naawilaya inuu tababarka kusoo laaban karo Sabtida.
Real Madrid ayaa waxa hore uga maqnaa oo dhawac ahaa David Alaba oo maanta lagu arkayay qolka jimicsiga oo ay wada joogeen Karim Benzema oo isaguna isku dayay inuu maareeyo jilibka lugta midig oo uu wax ka noqday markii ay isku dhaceen Virgil van Dijk ka hor intii aanu dhalinin goolkii madiga ahaa ciyaartii Arbacadii.
Da’yarka Los Blancos ay ka heshay kulliyaddeeda ee Alvaro Rodriguez ayaan loo ogolayn inuu ciyaaro kulankan sababtoo ah kaadh uu kusoo qaatay kooxda da’yarta ciyaartiisii ugu dambaysay ayaa keenaysa in la ganaaxo hal kulan oo kaga beegan ciyaarta Barcelona.
Haddii ay labadan ciyaartoy soo kaban waayaan, Real Madrid ayaa weerarka ka wada ciyaarsiin doonta Vinicius Junior, Rodrygo Goes iyo Federico Valverde.
Be the first to comment