Dhaqaalaha Manchester United Oo Dhulka Galay Xilli Uu Erik Ten Hag Sugayo Lacago Uu Ciyaartooyo Ku Iibsado

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa soo bandhigtay kharaare kor u dhaafaya £116 milyan oo Gini oo soo gaadhay sannad-miisaaniyadeedkii tegay oo ay lacago badan ku kharash garaysay iibka ciyaartooyo cusub.

Manchester United ayaa waxay xagaagii sannadkii hore la saxeexatay Cristiano Ronaldo iyo Raphael Varane oo si weyn sare ugu qaaday mushaharooyinka kooxda iyadoo dhinaca kalena ay Real Madrid iyo Juventus u shubtay lacago isku-darkoodu £70 milyan ka badan yahay oo ay kusoo iibsatay labadan laacib.

Red Devils oo sidoo kale waqtigaas dib u heshay taageereyaashooda oo kusoo laabtay Old Trafford kaddib musiibadii Fayraska ee dunida kala xidhay, ayaa waxay sheegtay in dakhligoodu uu sare u kacay 18 boqolkiiba, sidaas oo ay tahayna ay galeen khasaare ka badan £116 milyan oo Gini.

Dakhliga soo galay kooxda sannad-miisaaniyadeedkii tegay ayaa ahaa £583 milyan oo Gini, waxaana toddobaad kasta ku jiray khasaare ay kooxdu gelaysay oo ahaa £2.2 milyan oo Gini, waxaanay arrinta ugu weyni ahayd in mushaharka ciyaartoydu uu kordhay 19%.

Warbixintan miisaaniyadeed ayaa waxay ka dhigan tahay, in Manchester United ay sannadkii tegay mushahar ku bixisay £384 milyan oo Gini, ayna tahay kooxda mushaharka ugu badan bixisay. Sannadkii kasii horreeyey ayaa ka hooseeyey £62 milyan oo Gini, marka la isbarbar-dhigo labada xisaab-xidh.

Waxa sidoo kale kordhay deymaha lagu leeyahay Manchester United 22 boqolkiiba, waxaana hadda lagu leeyahay £515 milyan oo Gini, halkii sannadkii hore lagaga lahaa £420 milyan oo Gini, taas oo ka dhigan inay £95 milyan oo Gini ku kordheen.

Sababta ugu weyn ee  Manchester United ay korodhka daynta u aanaynayso ayaa ahaa fayraskii Korona ee saamaynta weyn ku yeeshay dunida isla markaana halka xilli ciyaareed ay garoonka madhan ku ciyaarayeen.

Iyadoo xaaladdu sidaas tahay ayay Manchester United xagaagii tegayna lacag ka  badan £220 milyan oo Gini ku kharash garaysay ciyaartooyo cusub sida Antony oo ay £85 milyan oo Gini kaaga soo qaateen Ajax, Casemiro oo ay £70 milyan kaga soo iibsadeen Real Madrid, Lisandro Martinez oo £56 milyan oo Gini ku joogay iyo Tyrell Malacia oo £15 milyan oo Gini ku kacay.

Bishii June, saamiyada Manchester United ayaa si weyn hoos ugu dhacay, waxaanay gaadheen £9.77 halkii saami, marka la barbar-dhigo 12kii bilood ee ka horreeyey oo aanu marnaba halka saami kasoo degin £13.82, iyadoo bishii September ee 2021 uu saamiga Manchester United mar cirka isku shareeray oo uu gaadhay £19.98.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*