Xiddiga reer Spain ee Marco Asensio ayaa soo gabogabeeyey sagaal sannadood oo uu u ciyaarayay Real Madrid, waxaana uu si xor ah uga tegi doonaa dhamaadka xilli ciyaareedkan oo kaliya laba kulan ay ka hadhsan yihiin.
Marco Asensio oo ay da’diisu tahay ayaa go’aansaday in uu iska diido heshiis cusub oo ay u bandhigtay Los Blancos, waxaana uu doortay in uu tijaabiyo kooxo kale inta ay xirfaddiisu heerka u sarreeya marayso.
Real Madrid ayaa muddooyinkii dambe dedaal badan ku bixinaysay in Asensio ay ka saxeexdo heshiis cusub, waxaanay xidhiidh joogto ah lahaayeen wakiilkiisa Jorge Mendez oo ay wada-hadallo toos ah ku wada jireen Angel Sanchez oo ah agaasimaha Real Madrid.
Sababta uu Marco Asensio go’aankan u qaatay ayaa lagu sheegay in ay la xidhiidho waqtigiisa ciyareed, isla markaana uu kooxdiisa Real Madrid sugayay illa horraantii bishii January oo uu ka fiirsanayay go’aankiisa iyo in uu Carlo Ancelotti beddelo waqtiga uu siiyo oo uu saluugayay.
Real Madrid ayaa laba jeer dalabyo heshiis cusub ah u bandhigtay Marco Asensio, midka horena waxa uu ahaa intii uu Socday Koobkii Adduunka ee dhamaadka sannadkii hore lagu qabtay waddanka Qatar, kaas oo intii ka dambaysay uu 12 gool u dhaliyey Real Madrid siddeed kalena caawiyey isaga oo waliba inta badan beddel ku imanayay.
Dalabka labaad ayaa sare loogu qaaday mushaharkiisa, waxaana xorriyad loo siiyey in uu isagu doorto tirada sannadaha uu saxeexayo oo ay kooxduna ku aqbalayso inta sannadood ee uu soconayo heshiisku, inkasta oo waqti dheer ay Los Blancos doonaysay.
Kooxo badan oo horyaalka Premier League iyo Serie Ah ayaa la sheegay in ay doonayaan Marco Asensio, laakiin waxa iyaduna albaabada u furtay oo tan iyo bishii January lasoo xidhiidhaysay PSG oo doonaysa in ay ku xoojisato safkeeda ay ka baxayaan xiddigaha waaweyn sida Lionel Messi.
Rikoodhka uu Marco Asensio kaga tegayo Real Madrid
Marco Asensio oo sannadkii 2014 ay Real Madrid kala soo wareegtay Real Mallorca iyadoo ay da’diisu aad u yarayd, ayaa waxa sannadihii 2015 iyo 2016 amaah loogu diray Real Mallorca iyo Espanyo, markii uu soo laabtayna waxa uu kooxda la gaadhay guulo waaweyn.
Asensio ayaa intii uu joogay Real Madrid waxa uu la qaaday saddex Champions League, afar Club World Cup, saddex European Super Cup, saddex horyaal oo LaLiga ah, saddex Spanish Supercup iyo hal Copa del Rey.
Be the first to comment