DEG-DEG: Xiddig Ka Tirsan PSG Oo Ka Degay Horyaalka Premier League

Xiddig ka tirsan kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa ka degay horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo uu si rasmi ah ugu wareegay, kaddib markii uu soo afjaray muddo afar sannadood ah oo uu u ciyaarayay kooxda reer France.

Difaaca midig ee PSG ee Thilo Kehrer ayaa si rasmi ah loogu soo bandhigay magaalada London, waxaana £10 milyan oo Gini ku iibsatay West Ham United oo uu heshiis afar sannadood ah u saxeexay.

Kehrer oo ay da’diisu tahay 25 jir ayaa noqonaya saxeexii lixaad ee ay West Ham samayso xagaagan, waxaana uu u beddeli doonaa Issa Diop oo toddobaadkii hore uga wareegay Fulham.

West Ham United oo sidoo kale uu dhaawac muddo dheer ah ka galay Nayef Aguerd ayaa waxay raadinaysay difaac midig oo tayadiisu sarrayso, waxaanay hadda si rasmi ah ugu dhawaaqday inay la saxeexatay Kehrer oo ay kala soo wareegtay Paris Saint-Germain.

Markii uu heshiiska saxeexay ayuu Kehrer la hadlay warbaahinta, waxaanu yidhi: “Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan u saxeexay West Ham United. Kani waa horyaalka ugu wanaagsan dunida, waanan ku faraxsanahay in aan imid oo aan ka ciyaarayo Premier League.

“Waan la hadlay tababaraha, waxaanu ii sheegay sida uu u arko in aan ugu habboonahay kooxdiisa. Hammigayga ugu weyna waa in aan la qabsado kooxda, dhex galo ciyaartoyda oo aan ku raaxayso u ciyaarista West Ham.”

Sannadkii 2018 ayuu Kehrer ku biiray PSG isaga oo waqtigaas u ciyaarayay Schalke oo ay da’diisuna tahay 21 jir, waxaana uu u saftay 128 ciyaarood isaga oo uga ciyaaray difaaca dhexe iyo difaaca midig.

Intii uu joogay Paris, waxa uu kula guuleystay saddex horyaal oo Ligue 1 ah, laba Coupes de France iyo Coupe de La Ligue. Waxa kale oo uu ka caawiyey PSG inay sannadkii 2020 gaadho finalka Champions League.

Kehrer ayaa sidoo kale xulka qaranka Germany u ciyaaray 20 kulan, waxaanu ugu soo bilowday 11 ka mid ah 13kii ciyaarood ee uu Sansi Flick hoggaamiyey xulka qaranka Germany.

West Ham ayuu u xidhan doonaa No.24, isaga oo noqonaya ciyaartoygii lixaad waxaana ka horreeyey Aguerd, Alphonse Areola, Gianluca Scamacca, Maxwel Cornet iyo Flynn Downes oo dhamaantood xagaagan yimid West Ham.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*