Weeraryahanka reer Brazil ee Richarlison ayaamaanta oo Khamiis ah tijaabada caafimaadka u maraya Tottenham, kaddib markii ay Everton kaga soo iibsadeen lacag gaadhaysa £50 milyan oo Gini oo lagu sii darayo £10 milyan oo kale oo dheeraad ah oo ku xidhnaan doona bandhiggiisa iyo guulaha uu la gaadho kooxda reer London.
Richarlison oo ay da’diisu tahay 25 jir ayaa heshiiskiisa shaqsiga ah waqti horeba la dhamaystiray, waxaana kaliya la sugayay inta ay labada kooxood isla meel dhigayaan qiimaha oo ugu dambayntii maanta lasoo gabogabeeyey.
Waxa uu noqon doonaa ciyaaartoygii ugu qaalisanaa taariikhda Tottenham marka uu ka gudbo tijaabada caafimaadka ee ay Tottenham si rasmi ah usoo bandhigto, waxaanu dhaafi doonaa Tanguy Ndombele oo sannadkii 2019 ay £54 milyan oo Gini kaga soo iibsadeen Lyon, halka Richarlison ay wadarta laga Tottenham kasoo bixisay noqonayso £60 milyan oo Gini marka lagu daro lacagaha ku xidhan bandhiggiisa.
Wargeyska The Athletic ayaa xaqiijiyey in Richarlison uu hadda ku sugan yahay magaalada London oo uu tijaabada caafimaadka marayo isla maanta.
Laacibkan oo Everton ka badbaadiyey inay heerka labaad u dhaadhacdo xilli-ciyaareedkii tegay ayaa waxa uu go’aansaday inuu iskaga tago Goodison Park oo uu ku biiro koox horyaalka iyo tartamada kaleba u dagaallamaysa sidii ay ugu guuleysan lahayd.
Richarlison ayaa soo afjaray waayihiisa Everton oo 152 ciyaarood oo uu u saftay uu u dhaliyey 53 gool, waxaanu noqonayaa saxeexii afraad ee ay Tottenham samayso xagaagan, waxaana kasii horreeyey Ivan Perisic, Fraser Forster iyo Yves Bissouma.
Be the first to comment