Waa Maxay Sababta Loo Baajiyey Ciyaartii Tottenham Iyo Arsenal Ee Axadda?

Maamulka horyaalka Premier League ayaa shaaciyey inay baaqatay ciyaartii Axadda ee North London derby ee kooxaha Tottenham iyo Arsenal, kaddib markii ay Gunners awoodi weyday inay buuxiso shuruudihii ku xidhnaa kulankaas.

Arsenal ayaa dalbatay in ciyaartan loo baajiyo maadaama ay dersin ciyaartooyo ahi kaga  maqan yihiin dhaawac, Fayraska Koronaiyo tartanka qaramada Afrika, taas oo sababtay in tirada laacibiinta ay haystaan ay gaadhi waayaan intii uu sharcigu dhigayay.

Granit Xhaka oo kaadh casaan ah qaatay ciyaartii Liverpool ee Carabao Cup, ayaa waxa usii raacay Martin Odegaard oo karantiil ku jira, isla markaana aan awoodaynin inuu dheelo kulankan, waxaana tirada ciyaartoyda taamka u ah ee ay haysato Arsenal ay ka yaraadeen 13, taas oo ku qasabtay Premier League in loo tixgeliyo codsiga Gunners.

War-saxaafadeed ay Arsenal soo saartay ayay tidhi: “Waanu ognahay qiimaha ay ciyaartani u leedahay taageereyaashayada dunida oo dhan, laakiin Premier League ayaa gaadhay go’aanka ah in la baajiyo ciyaartan maadaama ay ciyaartooyo badan aykooxda kaga maqan yihiin Covid-19, dhaawacyo iyo kuwoku maqan dalalkooda ciyaaraya AFCON.

Inkasta oo la aqbalay codsiga Arsenal ee ah in ciyaartan dib loogu dhigo, haddana waxa jirta xaqiiqo ah in fayraska Korona uu kaga maqan yahay hal ciyaartoy ookaliya, isla markaana ay isla toddobaadkan horraantiisii fasaxday labada laacib ee FolorinBalgoun iyo Ainsley Maitaland-Niles oo amaah ku baxay, xilli ay ogaayeen in ciyaartooyo badan kaga maqan yihiin tartanak qaramada Afrika.

Halyeygii Manchester United ee Gary Neville ayaa canaan dusha uga tuuray Arsenal, isagoo Jimcihii sii sheegay in Arsenal aanay ahayn in kulankan dib loogu dhigo maadaama ay ciyaartooyo fasaxday iyadoo marka horeba aan haysan laacibiin ku filan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*