DEG-DEG: Manchester United Oo Samaynaysa Saxeexii Labaad & Kooxda Ay Kala Soo Wareegayaan

Waxyar kaddib markii la shaaciyey in Manchester United ay heshiis la gaadhay Barcelona oo ay kala soo wareegayso Frenkie de Jong oo ay kasoo bixinayso lacag gaadhaysa 74 milyan oo Gini, Red Devils ayaa qarka u saaran saxeexii labaad oo kaliya ay ka hadhsan tahay hal kalmad ah oo lagu sugayo ciyaartoyga.

Manchester United ayaa gaabis kaga jirtay suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan usbuucyadii ugu horreeyey inkasta oo ay dedaalkooda oo dhan oo ay iskugu geeyeen Frenkie de Jong ay ugu dambayntii ka midho dhaliyeen.

Tababare Erik ten Hag ayaa ka niyad-jabsanaa in dhawr ciyaartoy oo uu danaynayay ay kooxo kale ka hor qaadeen, hase yeeshee ugu dambayntii waxa uu la dhacsan yahay in saxeexii uu ku taamayay ay heleen, sidoo kalena ay kooxdiisu maanta qarka u saaran tahay saxeexii labaad.

Manchester United ayaa waxay €15 milyan oo Gini kula soo wareegaysaa xiddiga kooxda reer Netherlands ee Feyenoord ee Tyrell Malacia, kaas oo saxeexiisa  ay ku garaaceen Lyon oo si weyn u doonaysay laacibkan.

Red Devils ayaa bixin doonta €12 milyan oo Euro oo kaash ah iyo €3 milyan oo Euro oo kale oo ku xidhnaan doona bandhiggiisa.

Agaasimaha ciyaaraha Feyenoord ee Frank Arnesen ayaa saxaafadda u sheegay, in Manchester United ay wax walba isla  meel dhigeen oo kaliya ay hadhsan tahay in ciyaartoygu aqbalo inuu tago Old Trafford, taas oo iyadna la rumaysan yahay in aanay wax dhibaato ah ka jirin oo uu difaacan bidix ee reer Netherlands isaguba doonayo inuu tago Old Trafford.

Frank Arnesen oo saxaafadda la hadlayay ayaa yidhi: “Heshiiska Manchester United uu dhan yahay. Waxa aanu hadda kaliya sugaynaa Tyrell. Haddii uu Tyrell Malacia yidhaahdo ‘haa’, si degdeg ah ayuu ku dhacayaa heshiiska Manchester United.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*