DEG-DEG: Manchester United Oo Ka Hadashay Dalabka La Sheegay Inay Ka Gudbisay Joao Felix

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa ka jawaabtay wararka sheegaya in ay dalab 130 milyan oo Euro ah ka gudbiyeen weeraryahanka Atletico Madrid iyo xulka qaranka Portugal ee  Joao Felix, kaas oo illaa shalay ay warbaahintu kasoo gudbinayeen warar kala duwan.

Manchester United ayaa xiise u muujisay Felix horraantii xagaagan kaddib markii ay ay ku guul-darraysteen ciyaartooyo kale oo ay diiraddu u saarnayd.

Masuuliyiin ka tirsan Manchester United ayaa la sheegay in ay wada-hadallo la sheegeen wakiilka Felix iyo kooxdiisa Atletico Madrid oo aya ka wada hadleen sidii uu laacibkani u iman lahaa Old Trafford, iyadoo Erik ten Hag uu doonayay inuu ku beddelo Cristiano Ronaldo oo aan ku niyad-samayn sii joogitaanka United.

 

Atletico Madrid ayaa meesha ka saartay inay iibinayso laacibkeedan oo sannadkii 2019 ay 126 milyan oo Euro kaga soo iibsatay Benfica, isla markaana kula  jira heshiis waqti dheer ah.

Sidaas oo ay tahay, Manchester United ayaa waxba kama jiraan iyo warar maalaayacni ah ku tilmaantay wararka sheegaya in ay 130 milyan oo Euro ku dalbatay Joao Felix, waxaanay sidaas kale xustay in aanay macquul ahayn in ay lacg intaas le’eg ku bixin karto hal ciyaartoy.

Joao Felix oo xilli ciyaareedkii 2021-2022 toban gool u dhaliyey Atletico Madrid 35 ciyaarood oo uu u saftay ayaa lagu soo warramayaa in uu xiisaynayo inuu iskaga tago Atletico Madrid waxaanay sababtu tahay in xilli ciyaareedkii hore uu marar badan kursiga kaydka dhigay Simeone.

Dhinaca kale, Manchester United ayaa wali ka shaqaynaysa sidii ay ula saxeexan lahayd xiddiga khadka  dhexe uga ciyaara Real Madrid ee Casemiro oo uu Erik ten Hag doonayo inuu ku xalliyo dhibaatada khadka dhexe ee kooxdiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*