DEG-DEG: Manchester United Oo Ka Afduubatay Chelsea Kubbad-sameeyaha Bayern Munich

Manchester United iyo Bayern Munich ayaa heshiis ka gaadhay xiddiga khadka dhexe ee Marcel Sabitzer oo hadda u duulay waddanka UK oo uu tijaabada caafimaadka ugu mari doono Man United oo uu ugu wareegayo heshiis amaah ah oo soconaya illaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Erik ten Hag ayaa si fudud ku helay beddelka xiddiga dhaawacu ku habsaday ee Christian Eriksen oo muddo saddex bilood iyo dheeraad ah maqnaan doona, taas oo ka dhigan inuu xilli ciyaareedka macasalaameeyey.

Sabitzer ayaa hadda lagu sawiray garoonka diyaaradaha isaga oo u duulaya waddanka UK oo uu saacadaha ka hadhsan waqtiga uu xidhmayo suuqa iibka ciyaartoydu uu tijaabada caafimaadka ugu mari doono.

Man United ayaa waxay heshiiska Sabitzer kaga adkaatay Chelsea oo maanta dedaal badan ku bixinaysay sidii ay laacibkan ula wareegi lahayd, sida ay ku warramaysayy warbaahinta Sky Sports Germany.

Sabitzer oo ay da’diisu tahay 28 jir ayaa Bayern Munich u saftay 15 ciyaarood oo horyaalka Bundeliga ah, laakiin ma aanu ahayn ciyaartoy si joogto ah ugu soo bilowda.

Halkan ka daawo Sabitzer oo ka duulaya garoonka diyaaraha ee Munich

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*