DEG-DEG: Manchester United Oo Heshay Jawaabta Dalab €130 Milyan Oo Euro Ah Oo Ka Gudbisay Joao Felix

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa dalab weyn oo xambaarsan €130 milyan oo Euro ka gudbisay weeraryahanka reer Portugal ee Joao Felix hase yeeshee waxay heleen jawaab degdeg ah oo uga timid Atletico Madrid oo gaashaanka kusoo dhufatay dalabkaas.

Manchester United oo maanta wada-hadallo la furtay wakiilka Joao Felix ayaa sidoo kale xidhiidh la samaysay Atletico Madrid oo ay ka doonayso laacibkan, waxaana ku sugan magaalada Madrid masuuliyiin ka socda Manchester United oo arrintan ka shaqaynaya.

Red Devils oo sidoo kale doonaysa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Real Madrid ee Casemiro, ayaa waxay jawaab degdeg ah ka heshay Atletico Madrid, sida uu xaqiijiyey wariyaha ciyaaraha ee Fabrizio Romano iyo sidoo kale wargeyska AS ee kasoo baxa Spain.

Atletico ayaa u sheegtay Manchester United in aanay doonayn inay lumiso xiddigeedan oo saddexlay caawin ah ka sameeyey ciyaartoodii koowaad ee horyaalka LaLiga.

22 jirkan oo sannadkii 2019 ay Atletico Madrid kaga soo iibsatay Benfica lacag gaadhaysa €126 milyan oo Euro, ayaa qandaraaskiisa lagu burburin kmarayaa €350 milyan oo Euro oo aanay jirin koox awoodda inay waqtigan bixiso.

Saddexdii sannadood ee uu Joao Felix joogay Atletico Madrid ayaa uu ku dhibaatooday, waxaana 112 ciyaarood oo uu u saftay uu u dhaliyey 29 gool, iyadoo xilli ciyaareedkii tegayna uu marar badan Simeone kursiga kaydka dhigay.

Si kastaba ha ahaatee, Manchester United ayaa jawaab aanay ku qancin ka heshay Atletico Madrid oo waqti kooban kaga soo jawaabtay dalabka la sheegay in Manchester United ay u gudbisay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*