DEG-DEG: Manchester United Oo £155 Milyan Dul-dhigtay Saaxiibbadii Kulliyadda Chelsea Ee Xulka Qaranka England

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa diyaarisay dalab ay ka gudbinayso laba ciyaartoy oo kasoo wada baxay kulliyadda da’yarta Chelsea ee u wada dheela xulka qaranka England, kuwaas oo tababare Erik ten Hag uu doonayo inuu keeno Old Trafford xagaagan.

Manchester United ayay dhawr ciyaartoy u calaamadsan yihiin, sida weerarka khadka dhexe iyo difaaca, iyadoo sidoo kalena ay raadinayaan goolhaye usoo raaca David De Gea.

Red Devils ayaa waxay hadda diyaarisay laba dalab oo ku kacaya £155 milyan oo Gini oo maalmaha soo socda ay gudbin doonto oo ay ku doonayso Declan Rice iyo Mason Mount oo labaduba kasoo wada baxay kulliyadda da’yarta Chelsea, balse uu Rice waqti hore ka tegay oo udub-dhexaad iyo kabtan ka yahay West Ham United.

Wargeyska Daily Mail oo helay xogta dalabyada Manchester United, ayaa waxa uu sheegay, in Red Decils ay £55 milyan oo Gin u diyaarisay Mason Mount oo diiday inuu heshiiska u kordhiyo Chelsea oo ay kula tartamayaan kooxo ay ka mid yihiin Liverpool iyo Arsenal.

Waxa kale oo ay Manchester United £100 milyan oo Gini dul-dhigaysaa Declan Rice oo qorshuhu yahay in ay ka garab ciyaarsiiyaan Casemiro si khadka dhexe ee dambe uu u noqdo mid aan la loodin karayn oo aan looga baqanin in goolal ka dhashaan.

Declan Rice oo 24 jir ah oo ay sidoo kale doonayaan Chelsea, Bayern Munich iyo Arsenal, ayaa waxa ay kulliyadda da’yarta Chelsea ee Cobham ay kasoo wada baxeen Mount oo uu kusoo biiray isaga oo siddeed jir ah, waxaana uu ku sugnaa illaa intii ay da’diisu noqonaysay 14 jir.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*