DEG-DEG: Madaxweyne Samuel Eto’o Oo Lagu Xukumay 22 Bilood Oo Xadhig Ah & Dembiga Culus Ee Loo Haysto

Madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta Cameroon ee Samuel Eto’o ayaa lagu riday xukun maxkamadeed oo gaadhay 22 bilood oo xadhig ah kaddib markii lagu eedeeyey musuqmaasuq iyo cashuuro uu la baxsaday.

Xiddigan hore ee Barcelona iyo Chelsea ayaa qirtay, in aanu bixinin £3.3 milyan oo Gini oo cashuuro ku waajibay ahaa intii u dhaxaysay 2006 illaa 2009 oo uu u ciyaarayay Barcelona, waxaanay taasi keentay in lagu rido xukun xadhig ah.

Samuel Eto’o ayaa waxa uu hore ugu eedeeyey wakiilkiisii Jose Maria Mesalles in uu abaa qofka ka shaqeeyey in cashuurtan lagu yeesho oo uu iska bixin waayo, kaas oo isagana ay maxkamaddu ku xukuntay sannad xadhig ah.

Madaxweynaha xidhiidhka Cameroon ee Samuel Eto’o oo maxkamadda horteeda ka hadlayay ayaa waxa uu wakiilkiisa ku tilmaamay inuu ugu jiray doorkii aabbihii oo kale, hase yeeshee waxa uu ballanqaaday in uu bixinayo lacagahaas isaga oo yidhi: “Waan qiranayaa xaqiiqooyinka, waanan bixin doonaa lacagta, laakiin aan idiin sheego in aan anigu ahaa canug yar oo mar walba samaynayay waxa uu aabbahay [walkiilkiisa] uu i faro.”

Eto’o ayaa bixiyey qayb ka mid ah lacagtaas lagu lahaa oo ahayd £11.5 milyan oo Gini, halka Mesalles isagana laga doonayay £776,000 Gini.

Halyeyga Cameroon ayaan bixinin cashuurihii dakhliga soo gala ee loo yaqaano [Income tax] ee mushaarooyinkiisa iyo xayaysiisyada uu u samaynayay shirkadda Puma intii u dhaxaysay 2006 illaa 2009.

Maxkamadda ayaa meesha ka saartay oo laashay kiis ay waaxda kastamada ee Spain wateen oo ahaa in Mesalles uu bixiyo £15.4 milyan oo Gini oo ah magdhow sumcad dil ah oo uu siiyo Samuel Eto’o.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*