Tababareyaasha Liverpool iyo Manchester City ee Jurgen Klopp iyo Pep Guardiola ayaa ku dagaallami doona abaal-marinta tababaraha sannadka ee Premier League, iyadoo taageereyaashuna ay dood ka keeneen sababta liiska macallimiinta tartamaysa looga reebay David Moyes oo ah tababaraha West Ham.
Shanta tababare ee ku tartami doona macallinka sannadka ayaa la shaaciiyey Jimcihii maanta, waxaana hoggaaminaya Jurgen Klopp iyo Pep Guardiola, kuwaas oo ay wali labadooda kooxood ku loollamayaan horyaalka iyadoo laba kulan oo kali ahi ka hadhsan yihiin dhamaadka xilli ciiyaareedka.
Saddexda musharax ee kale ayaa ah Thomas Frank oo ah tababaraha kooxda Brentford oo naadigiisu uu heerka labaad ka yimid, isla markaana wacdaro ka dhigay horyaalka Premier League, Patrick Vieira oo Crystal Palace tababare u ah iyo Eddie Howe oo ah macallinka sare usoo dallacsiiyey Newcastle United oo dhawr bilood ka hor khadka cas ku jirtay.
Jamaahiirta kubadda cagta ayaa falcelin badan ka sameeyey qaabka loo soo xulay shanta tababare, gaar ahaan Pep Guardiola iyo Jurgen Klopp oo ay sheegeen inay ahayd in mudnaanta laga siiyo tababareyaasha kooxahooda la halgamay ee khibraddooda ku wada maadaama labadan tababare ay iyagu haystaan ciyaartooyo fiican oo guulaha u go’aaminaya.
Graham Potter iyo David Moyes ayaa noqday labada macallin ee ay taageereyaashu ku doodeen in ay ahayd in ay ka mid noqdaan tartameyaasha abaal-marinta tababaraha sannadka.
Klopp iyo Guardiola ayaa afartii sannadood ee ugu dambeeyey kusoo guuleysanayay abaal-marintan, iyadoo Pep Guardiola uu qaatay xilli ciyaareedyadii 2017-18, 2018-19 iyo 2020-21, halka Jurgen Klopp uu ku guuleystay xilli ciyaareedkii 2019-20 ee ay kooxdiisu hanatay horyaalka Premier League.
BREAKING: The Premier League reveal the shortlist for Manager of the SEASON! 🤩🏆
— Sky Sports Premier League (@SkySportsPL) May 13, 2022
Be the first to comment