Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premeir League waxa caawa la diyaarinayaa warqadda shaqada lagaga caydhinayo mid ka mid ah tababareyaasha ugu guulaha badan ee kooxaha waaweyn oo mustaqbalkiisu uu kusoo dhamaaday barbarro ay kooxdiisu gashay fiidkii hore.
Premier League ayay sii soconayaan tababareyaasha shaqada laga caydhinayo, waxaana caawa mustaqbalkiisu uu soo dhamaaday macallin taariikh weyn leh oo ay kooxdiisu xajisan weyday guul gacanta ugu jirtay.
Kooxda kubadda cagta Tottenham ayaa la sheegay inay eryayso tababare Antonio Conte oo weerar culus ku qaaday ciyaartoydiisa kaddib barbarrihii ay la galeen Southampton oo iyaga oo 3-1 ku hoggaaminaya laga daba yimid oo lagu qabtay 3-3.
Antonio Conte oo saxaafadda la hadlay kaddib ciyaartii Southampton ayaa yidhi: “Annagu ma nihin koox. Waxa aanu nahay 11 ciyaartoy oo garoonka iska soo gelaya. Waxa aan arkayaa ciyaartooyo danaysteyaal ah, ciyartooyo aan doonayn inay is-caawiyan, si niyad ahna aan u ciyaarayn.
“Illaa hadda, waxa aan isku dayayay inaan qariyo xaaladda, laakiin intaa wax ka badan masii qaran karayo, sabbtoo ah ma jiro kuma jiro damac iyo doonis. Waxa aad doonaysaan in aad sidan iska ahaataan waqti walba, marka aydaan koox ahayn horumar ma samaynayaan.”
Antonio Conte oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sidoo kale weeraray Tottenham oo uu sheegay sababtay aanay muddo 20 sannadood ka badan wax koob ah ugu guuleysanin, waxaanu yidhi: “Waxay caadaysteen in ay iska ahaadaan Tottenham. Ma jiro wax koob ah oo muhiim ah oo ay doonayaan inay u tartamaan. Ma doonayaan inay ku ciyaaraan cadaadis. Si qunyar ah inay iskaga ciyaaraan ayay rabaan.
“Sheekada Tottenham sidan ayay ahayd 20 sannadood, waxa jooga mulkiile haddana waligood waxbaa kuma aanay guuleysanin. Waa maxay sababtu?
“Sheekada halkan taallaa waa isku mid uun, xilli ciyaareed kast waa sidii hore uun. Kooxdu waxay leedahay masuuliyad ka saaran suuqa iibka, tababaraha waxa saaran masuuliyad, laakiin ciyaartoydu halkee ayay joogaan? Anigu waxa aan kaliya arkayaa 11 ciyaartoy oo iskood iskaga ciyaaraya.”
Antonio Conte oo la weydiiyey mustaqbalkiisa mar haddii uu sidan u hadlayo ayaa waxa uu ku jawaabay: “Wali cudur-daar ayaad raadinaysaan… waxa aad leedihiin hore ayaanu u soconaynaa iyo waxan ayaan samaynaynaa. cudur-daar…cudur-daar, cudur-daar.
“Aniga mustaqbalkayga? Way lumiyeen kalsoonidayda…”
Be the first to comment