DEG-DEG: Koox Weyn Oo Ingiriis Ah Oo SIDDEED Dhibcood Laga Jaray – Maxaa Lagu Haystaa?

Xilli ciyaareedka dambe ayaa u bilaabmi doona iyaga oo lagu leeyahay siddeed dhibcood oo laga jaray, waxaana go’aankan la gaadhay iyadoo horyaalka xilli ciyaareedkan uu sii dhamaanayo.

Kubadda cagta Ingiriiska ah oo ah meelaha ugu adag ee laga xakameeyo shuruucda kubadda cagta iyo ku-dhaqankooda, waxa la ganaaxay koox caan ah oo beryaha qaarkood shidan jirtay horyaalka Premier League inkasta oo ay dabbaal-joogtayn jirtay.

Sida uu shaaciyey maamulka EFL, kooxda kubadda cagta Wigan Athletic ayaa laga jaray siddeed dhibcood oo dhamaantood ka go’i doona xilli ciyaareedka dambe, kaddib markii ay kooxdu ku guul-darraysatay inay dheeli-tirto kharashka iyo dakhligeeda.

Hore waxa looga jaray afar dhibcood, haddana waxa loo raaciyey afar kale, sidaas ayaanay xilli ciyaareedka dambe ku bilaaban doonaan iyaga oo -8 ah oo siddeed dhibcood lagu leeyahay, kuwaas oo laga jari doona dhibcaha ay xoogsadaan xilli ciyaareedka dambe.

Abdulrahman Al-Jasmi oo ah mulkiilaha Wigan ayaa laba jeer oo hore awoodi waayey inuu bixiyo lacago laga doonayay oo ay qayb ka yihiin mushaharka ciyaartoydu, waanay taasi keentay in laga jaro afar dhibcood oo hore, haddana waxa loo raaciyey afar kale.

Abbaaro 9kiii subaxnimo ee waqtiga UK ee maanta oo Jimce ah ayaa uu ku ekaa waqtiga kama dambaysta ah ee loo qabtay Abdulrahman Al-Jasmi, balse waa uu kasoo bixi waayey  shuruudihii laga doonayay.

War-saxaafadeed uu soo saaray maamulka EFL ayaa lagu sheegay in Wigan ay ka jareen afar dhibcood oo kale oo xilli-ciyaareedka dambe ee 2023/24 uu u bilaabmi doono iyaga oo siddeed dhibcood lagu leeyahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*