DEG-DEG: Kabtankii Real Madrid Ee Marcelo Oo Macasalaamaynaya Kubadda Cagta – Maxaa Dhacay?

Kabtankii hore ee  kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Marcelo ayaa lagu soo warramayaa in uu gebi ahaanba ka fadhiisanayo kubadda cagta bil kaddib markii ay ka tegay kooxdaas oo uu ka dhamaaday qandaraaskii uu kula jiray.

Marcelo ayaa la filayay inuu tago koox kale, iyadoo uu dalabyo ka helayay naadiyo Yurub iyo meelo kaleba ah, hase yeeshee waxa hadda soo baxaya warar sheegaya in uu laacibkani qarka u saaran yahay in uu macasalaameeyo kubadda cagta oo uu kabaha tiiriyo.

34 jirkan oo Real Madrid u ciyaaray muddo 15 sannadood ah oo kusoo dhamaaday xilli ciyaareedkii 2021-22 oo uu kula sii guuleystay Champions League, isla maarkaana uu ku noqday ciyaartoyga ugu koobabka badan taariikhda Los Blancos oo uu la qaaday 25 koob, ayaa waxa qaadanayaa go’aan lama filaan ah oo uu garoomada kaga baxayo.

Wargeyska Marca ayaa hore u sheegay in Marcelo aanu doonayn in uu tago horyaallada Qatar iyo Maraykanka oo uu dalabyo ka haystay, waxaanu doonayay in uu sii joogo qaaradda Yurub.

Kooxaha Valladolid oo uu leeyahay halyeygii Brazil ee Ronaldo, Lyon, AC Milan iyo Fenerbahce ayaa iyagana lala xidhiidhiyey, halka kooxda reer Brazil ee Fluminense ay iyaduna doonaysay.

Sidaas oo ay tahay, Marcelo ayaan wali wax heshiis ah la gaadhin kooxna, waxaana uu kusii dhowaanayaa in uu ku dhawaaqo in uu kubadda cagta ka fadhiistay, sida uu hadda shaaciyey wargeyska Daily Mail ee kasoo baxa waddanka Ingiriiska.

Marcelo ayaa waxa uu doonayaa in uu bilaabo ganacsiyo halkii uu kasii wadi lahaa kubadda cagta oo uu waliba waddan kale iyo cimilo aanu aqoon fiican u lahayn uu waqti kooban tegi lahaa. Hore waxa uu u ahaa mulkiilaha kooxda Azuriz ee ka dhisan Brazil iyo sidoo kale Mafra oo heerka labaad ee Portugal ah, waxaana hadda uu ka shaqaynayaa sidii uu kooxdiisa Azuriz uga caawin lahaa inay usoo dallacdo heerka koowaad ee Brazil iyadoo ay ciyaartooyo badan oo da’yar ah ku sugan yihiin.

Waxa kale oo la sheegay in Marcelo uu ka shaqayn doono sidii kooxdiisa reer Portugal ee Mafra ay ciyaartooyo wanaagsan ugala soo wareegi lahayd qaaradda Latin America, iyadoo sii dhex maraysa kooxdiisa kale ee Azuriz.

Si kastaba ha ahaatee, warkan ayaanu xaqiijinin Marcelo, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay kala caddaato in Marcelo uu kabaha tiirinayo iyo inuu kusii jirayo garoomada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*