Xiddig reer France ee Jules Kounde ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa iyo waxa ka jira inuu ka dalbaday kooxdiisa Barcelona inay iibiyaan, kaddib markii uu waayey boos uu si joogto ah uga ciyaaro oo difaaca dhexe ah, isla markana uu saluugsan yahay waqtiga la siiyo iyo in loo riixay difaaca midig.
Jules Kounde oo ay Barcelona xagaagii 50 milyan oo Euro kaga soo iibsatay Sevilla, ayaa toddobaadkan horraantiisii la sheegay in uu ka tegayo Camp Nou, waxaana lala xidhiidhiyey Manchester United iyo kooxo kale oo Premier Legue ah.
Laacibkan oo sida muuqata dhibsaday hadal-haynta shakiga gelinaysa mustaqbalkiisa ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa bulshada ee Twitter-ka, waxa uu ku beeniyey xogtaas, waxaana uu ku adkaystay in uu sii joogayo Barcelona oo aanu wax dhibaato ah ku qabin.
Qoraalka uu ku daabacay Twitter-ka ayuu ku yidhi: “100% ayaan caddaynayaa, marnaba ma aanan dalban in aan ka tago Barcelona, mana doonayo in aan ka tago kooxda. Gebi ahaanba ma jirto meel aan tegayo.”
Dhinaca kale, tababare Xavi Hernandez oo la hadlayey warbaahinta ayaa isaguna meesha ka saaray in ay wax xurguf ahi u dhaxayso Jules Kounde, waxaana uu yidhi: “Waan la hadlay Jules Kounde, wax walbana way cad yihiin. Ma jirto wax dhibaato ah oo haba-yaraatee anu isku qabno Jules.”
Be the first to comment