DEG-DEG: Geerida Wakiilkii Caanka Ahaa Ee Mino Raiola Oo La Xaqiijiyey

Waxa si rasmi ah loo xaqiijiyey geerida wakiilka ugu taajirsan kubadda cagta ee Mino Raiola oo maalin ka hor la sheegay inuu dhintay laakiin mar dambe la beeniyey oo la sheegay inuu sakaraad yahay.

Mino Raiola oo wakiil u ahaa ciyaartooyo waaweyn oo kubadda cagta ah oo ay ku jiraan Paul Pogba, Erling Haaland iyo Zlatan Ibrahimovich ayay qoyskiisu shaaciyeen in uu geeriyooday maanta oo Sabti ah, kaddib muddo ay dhakhaatiirtu la tacaalayeen xaaladdiisa caafimaad.

War-saxaafadeed ay soo saareen qoyska Mino Raiola oo lagu baahiyey barta Twitter-ka ee uu isticmaali jiray wakiilkan ayaa waxa lagu sheegay, in Mino Raiola uu geeriyooday.

Qoraal murugo badan xambaarsan ayaa lagu yidhi: “Murugo weyn ayay tahay, in aanu idinla wadaagno, in uu geeriyooday wakiilkii ugu daryeelka badnaa kubadda cagta, uguna cajiibsanaa.

https://twitter.com/MinoRaiola/status/1520403579311464449/photo/1

“Mino waxa uu illaa dhamaadkii muujinayay dagaal uu kula jiray xanuunka isaga oo adkaysi lahaa, si la mid ah markii uu miiska wada-hadallada ku difaaci jiray ciyaartoyda.

“Mino waxay shaqadiisu taabanaysay dad badan, waxaana uu cutub cusub ka qoray taariikhda  kubadda cagta casriga ah. Saamayntiisiina waligeed lama illoobi doono.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*