DEG-DEG: FIFA Oo Baadhitaan Ku Samaynaysa Kulankii Senegal & Masar Ee Isreeb-Reebka Koobka Adduunka

Xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa bilaabay baadhitaan uu ku samaynayo ciyaartii isreeb-reebka Koobka Adduunka ee Senegal iyo Masar ee Salaasadii, taas oo xulka qaranka Senegal uu ugu gudbay Koobka Adduunka, kaddib markii ay rikoodheyaal kaga adkaadeen Masar.

Ciyaar socotay 120 daqiiqadood ayaa natiijadeeda lagu go’aamiyey rikoodheyaal 3-1 ah, waxaanay Masar iska khasaarisay saddex rikoodhe, iyadoo Mohamed Salah uu cirka ku toogtay rikoodhihiisa.

Taageereyaasha xulka qaranka Senegal ayaa ciyaartan rabshado ka sameeyey, waxaanay walxo kusoo tuureen goolhayaha Masar, halka ay ciyaartoyda Masar oo dhan indhaha kaga qabanayeen laysar, gaar ahaan markii ay rikoodheyaasha tuuranayeen.

Mohamed Salah ayaa waxba arki waayay markii uu rikoodhaha laadayay oo laysar indhaha lagaga qabtay, waxaana xidhiidhka kubadda cagta Masar uu dacwad u gudbiyey FIFA iyaga oo ka cadhaysan sida ay taageereyaasha Senegal u dhaqmeen kulankii magaalada Dakar.

Waxa kale oo uu xidhiidhka kubadda cagta Masar ku daray dacwaddiisa in aflagaaddooyin loo geystay ciyaartoydooda, gaar ahaan Mohamed Salah oo ay ciidamada ammaanku isku xeereen markii uu kasii baxayay garoonka iyaga oo waliba isku dayayay inay madaxa uga qariyaan walxo lagu soo tuurayay.

Markii ay ciyaartoydu soo gelayeen garoonka ayaa sidoo kale la weeraray baskii ay saarnaayeen xiddigaha Masar oo walxo lagu tuuray, halka intii ay iskululaynayeena ay dhibbane u ahaayeen cay iyo waxyaabo lagu soo shiidayay.

FIFA oo ka jawaabtay dacwadda Masar ayaa sheegtay, in ay baadhitaan samayn doonto, sidoo kalena daraasayn doonto warbixintii ay garsooreyaasha iyo saraakiisha kale ee xidhiidhadu kasoo gudbiyeen ciyaarta, ka hor inta aanay qaadin tallaabo.

War-saxaafadeed kooban oo ay FIFA soo saartay ayaa lagu yidhi: “FIFA waxay bilowday inay naaqishto warbixintii rasmiga ahayd ee kulankii isreeb-reebka Koobka Adduunka ee u dhexeeyey Senegal iyo Masar.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*