DEG-DEG: Eden Hazard Oo Dalab Lama Filaan Ah Ka Helay Horyaalka Premier League

Xiddiga reer Belgium ee Eden Hazard ayaa dib ugu noqonaya horyaalka  waddanka Ingiriiska ee Premier League, kaddib afar sannadood oo uu ku dhibaatooday Real Madrid oo kursiga kaydka iyo dhaawacyo ay isku bed-beddelayeen.

Hazard oo hal sano uu ka hadhsan yahay qandaraaskiisa Real Madrid ayay kooxda reer Spain u ogolaatay inuu si xor ah ku bixi karo si ay iskaga dul-qaadaan culayskiisa dhaqaale maadaama aanay u  haynin boos uu ka ciyaaro.

Tababare Carlo Ancelotti ayaa waqti horeba sheegay in aanay wax xidhiidh ah lahayn Hazard oo aanay wada-hadal, isla markaana aanu isagu doonanin ciyaartoyda aan rabin inay la hadlaan, halka laacibkan uu isaguna ka cawday tababaraha oo uu sheegay inay waqti hore ugu dambaysay inuu la hadlo.

32 jirkan oo waqtigiisii ugu fiicnaa kubadda cagta kusoo qaatay kooxda kubadda cagta Chelsea, ayaa waxa uu kala dooranayaa dookhyada horyaalla maadaama ay Real Madrid u ogoshahay inuu si bilaash ah ku tegi karo, waxaana lala xidhiidhinayaa kooxo horyaalka Maraykanka ah.

Laakiin horyaalka Premier League ayaa la sheegay in uu ka helayo dalab koox weyn oo doonaysa in ay la saxeexato, sida ay warbaahinta Spain sheegtay, waana Tottenham oo uu guddoomiyaheeda Daniel Levy rumaysan yahay in Hazard ay kubaddiisu dib usoo noolaan karto haddii uu kusoo noqdo horyaalka Premier League.

Si kastaba ha ahaatee, Spurs ayaa waxa kale oo ay doonaysaa in weeraryahankeeda Harry Kane ay ka iibiso Real Madrid si ay ugu fududaato in iyagana si xor ah lagu siiyo Eden Hazard.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*