DEG-DEG: Borussia Dortmund Oo Saxeexeedii LIXAAD Ee Suuqan Oo Bedel U Noqonaya Haaland Dhammaysay

Kooxda Borussia Dortmund ayaan u muuqan mid wax meermeer ah kaga jirta suuqa xagaagan iyaga oo haatan maraya saxeexoodii lixaad una muuqda kuwo xilli horeba ka faraxashay ganacsigii ay kusoo talo-galeen.

Dortmund ayaa hore u dhammaysay saxeexyada xiddigaha kala ah Karim Adeyemi, Schlotterbeck, Niklas Sule, Braaf iyo Ozcan haatana waxa ay heshiis buuxa la gaadheen Ajax oo ay kala wareegayaan weeraryahanka dhexe ee Sebastian Haller.

Haller oo xilli ciyaareedkii hore kamid ahaa xiddigihii ugu goolasha badnaa tartanka Champions League ayaa gegida Signal Iduna Park ka bedelaya Erling Haaland oo Manchester City ku biiray.

Dortmund ayaa weeraryahanka ree Ivory Coast kasoo bixinaysa 35 Milyan oo euro xilli ay 60 Milyan oo euro ku iibiyeen Haaland maadaama qiimahaasi ahaa midka heshiiskiisa lagu jabin karayay.

Xiddig kale oo wali kusoo biiri kara noqona kara saxeexa toddobaad ee Borussia suuqan ayaa ah daafaca bidix ee kooxda Hoffenheim ee David Raum.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*