DEG-DEG: Bayern Munich Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqday Heshiiska Joao Cancelo Iyo Lambarka Uu Xidhanayo

Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay la wareegtay xiddiga reer Portugal ee Joao Cancelo.oo ay kasoo qaadatay Manchester City, kaas oo Allianz Arena ku tegay heshiis amaah ah oo uu ku jiro qodob u ogolaanaya Bavaria inay si rasmi ah ula wareeto xagaaga.

Joao Cancelo oo la sheegay inay isku dhaceen tababare Pep Guardiola ayaa dabada ka riixayey sidii uu u guuleysan lahaa heshiiska Munich, iyadoo dhinaca kalena ay doonayeen kooxo ay ka mid tahay AC Milan, inkasta oo lacagta ku xidhan in heshiiskiisa loo beddelo rasmi iyo damaca laacibkan ay meesha ka saareen.

Bayern Munich ayaa muuqaal ay hadda ku baahisay barteeda bulshada waxay ku sheegtay inay heshiis amaah ah oo soconaya illaa dhamaadka xilli ciyaareedka ay kula wareegtay Joao Cancelo, waxaanu kooxdiisa cusub u xidhan doonaa No.22.

Cancelo ayaa saxaafadda u sheegay, inuu aad ugu faraxsan yahay inuu ku biiro Bayern Munich markii uu ka gudbay tijaabada caafimaadka, waxaanu yidhi: “Bayern waa koox weyn, waxay ka mid tahay naadiyada ugu wanaagsan dunida anigana dhiirigelin dheeraad ah ayay ii tahay in aan ka garab ciyaaro ciyaartoyda cajiibka ah ee kooxdan.

“Waan garanayaa kooxdan, waxay ku nooshahay koobabka iyo guulaha horyaalka sannad kasta.

“Waxa kale oo isoo jiidatay hammuunta ay kooxdu u qabto guulaha. Wax walba oo karaankayga ah waan u samayn doonaa Bayern Munich.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*