DEG-DEG: Barcelona Oo Shaacisay Lambarka Uu Xidhanayo Robert Lewandowski & Xusuusta Ibramimovich Ee Uu Soo Celiyey

Kooxda kubadda cagta Barcelona  ayaa maanta garoonkeeda Camp Nou kusoo bandhigtay weeraryahankeeda cusub ee Robert Lewandowski oo xagaagan ay kasoo iibsadeen Bayern Munich, kaas oo tobannaan kun ay daraadii u yimaaddeen garoonka  iyaga oo goostay tigidho lacag badan ay ka bixiyeen.

Garoonka Camp Nou ayay yimaaddeen 59,026  qof oo taageereyaal ah, waxaana uu u dhowaaday rikoodhkii uu sameeyey Zlatan Ibrahimovich 13 sannadood ka hor markii ay Barcelona kala soo wareegtay Inter Milan, markaas oo ay soo dhoweyntiisa garoonka u yimaaddeen in ka badan 60,000 taageereyaal ah.

Robert Lewandowski oo ku qasbay kooxdiisii hore ee Bayern Munich in laga iibiyo Barcelona ayaa waxa uu maanta garoonka soo galay isaga oo xidhan lambarkiisii lagu bartay ee N0.9 oo looga saaray weeraryahanka reer Netherlands ee Memphis Depay oo xilli ciyaareedkii tegay xidhnaa, kaas oo isaguna hore uga boobay Martin Braithwaite oo xagaagii hore markii uu sida xorta ah ugaga yimid  Lyon sababay in Braithwaite laga siibo lambarkan.

Barcelona ma aanay sheegin lambarka uu xidhanayo Memphis Depay haddii uu sii joogo kooxda, iyadoo la ogyahay in mar hore lagu wargeliyey in aanu ku jirin qorshaha tababare Xavi Hernandez ee xagaagan.

Warbaahinta Spain ayaa sheegtay in No.9 maanta lagu wareejiyey Robert Lewandowski ay ka dhigan tahay dhamaadka waayihii Memphis Depay ee Barcelona oo kusoo idlaaday wax aan ka badnayn 12 bilood.

Intii ay socotay xafladda bandhigga ee Robert Lewandowski, laacibkan ayaa sameeyey ficilladii iyo qaabkii kubbad maamulista ee Zlatab Ibrahimovich, iysagoo kubbadda uu xabbadka ku qabtay isaga oo la moodo inuu dhabarka usii dhacayo.

Si kastaba aha ahaatee, Barcelona ayaa  xagaagan samaysay saxeexyo cusub, waxaana Robert Lewandowski wehelinaya Raphinha, Jules Kounde, Andreas Christensen, Franck Kessie iyo Pablo Torre.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*