DEG-DEG: Barcelona Oo Heshiis La Gaadhay Xiddiga Chelsea Ee Ay Muddada Raadinaysay

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa heshiis la gaadhay xiddig ka tirsan Chelsea oo ay muddo raadinaysay, mana aha midka aad moodayso ee Cesar Apilicueta oo uu Xavi Hernandez ku taamayay sidii uu ku keeni lahaa Camp Nou xagaagan.

Barcelona ayaa sii wadda is-xoojinta iyo saxeexyada tirada badan ee ay samaynayso, waxaanay hore ula soo wareegtay shan ciyaartoy oo laba ka mid ah ay qaab xor ah kusoo qaadatay waxaana ka mid ahaa Andreas Christensen oo ka tegay Chelsea bishii June.

Xavi Hernandez ayaa la sheegay in uu hadda helay difaac kale oo uu rumaysan yahay in uu xallin doono mushkiladda uu ka dareemayo dhinaca bidix oo uu hore kali ugu ahaa Jordi Alba oo saluug laga muujiyo kulamada waaweyn, haddana ay da’diisu sii weynaanayso oo aan taam ahaanshihiisa la iskugu hallayn karayn sidii uu hore u ahaa.

Sida uu qoray wargeyska Sport ee kasoo baxa waddanka Spain, Barcelona ayaa heshiis la gaadhay kooxda reer London ee Chelsea oo ay ka doonayso Marcos Alonso oo hadda u xidh-xidhanaya sidii uu ugu duuli lahaa waddankiisa Spain.

Wargeyska kale ee Mundo Deportivo ayaa xaqiijiyey in maanta uu Alonso garoonka tababarka kusii macasalaameeyey tababare Thomas Tuchel, shaqaalaha tababarka iyo ciyaartoydaba, isla markaana uu ku waajahan yahay Catalonia oo uu tijaabada caafimaadka ugu marayo Barcelona.

Labada kooxood midkoodna ma soo saarin war rasmi ah oo arrintan la xidhiidha, hase yeeshee warbaahinta Spain ayaa sheegtay in Chelsea ay ogolaatay in ay €10 milyan oo Euro kaga iibiso Barcelona laacibkeeda Marcos Alonso saacado kaddib markii ay la saxeexdeen Marc Cucurella oo ay kala soo wareegeen Brighton & Hove Albion.

Chelsea oo sidoo kale haysata difaaca reer England ee Ben Chilwell oo kasoo laabtay dhaawac uu muddo dheer ku maqnaa ayaa waxay ogolaatay inay Barcelona  ka iibiso Marcos Alonso oo si joogto ah ugaga ciyaarayay difaaca bidix xilli ciyaareedkii tegay.

31 jirkan oo qandaraaskiisa Stamford Bridge uu sannad kali ahi ka hadhsan yahay ayay Blues ku qasbanaatay inay sii haysato oo sannadka dambe uu bilaash kaga baxo iyo inay hadda iibiso, waxaanay qaateen dookha ah inay iibiyaan hadda mar haddii ay heleen Cucurella oo la filayo inuu si joogto ah uga ciyaari doono difaaca bidix.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*