DEG-DEG: Barcelona Oo Dalabkii La Sugayey Ka Gudbisay Xiddiga Ay Isku Haystaan Chelsea Ee Raphinha – Midkee Dagaalka Ku Gacan Sarreeya Blues & Barca?

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa si dhab ah ugu soo diyaar-garowday inay Chelsea ka afduubato xiddiga reer Brazil ee Raphinha, kaas oo hadda ay Leeds United ka fiirsanayso midka u faa’iido badan labada dalab ee Blues oo hore loo sheegay inay uga heshiiyeen iibkiisa iyo Barcelona oo garab ka helaysa wakiilka laacibkan oo ah xiddigii hore ee Barca ee Deco.

Chelsea ayaa si lama filaan ah ku noqotay kooxda ku gacan-sarraysa Raphinha toddobaadkan markii ay Leeds United gaadhsiisay dalab €65 milyan oo Euro ah oo ay wehelinayso €5 milyan oo Gini oo kale oo dheeraad ah oo ku xidhnaanaya bandhigga laacibkan.

Leeds United oo sidoo kale Manchester City ka iibisay xiddiga khadka dhexe ee reer England ee Kalvin Phillips oo kaliya shaacinta heshiiskiisu hadhsan tahay, ayaa waxay sidoo kale aqbashay dalabka Chelsea, sida uu xaqiijiyey wargeyska The Times ee kasoo baxa waddanka UK.

Sidaas oo ay tahay, Barcelona ayaa daqiiqado ka hor waxay diyaarisay dalab rasmi ah oo qoraal ah oo ay u gudbinayaan Leeds United iyo wakiilka xiddigan ee Deco oo maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa waddanka Spain, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay gaadhsiiyaan dalabkan rasmiga ah.

Barcelona oo lacag gaadhaysa €207.5 milyan oo Gini ka helaysa shirkadda Sixth Street oo ay heshiis kula gashay maalmo ka hor inay yeelato xuquuqda iibinta saamigeeda baahinta ciyaaraha, ayaa waxay lacagtan uga faa’iidaysanaysaa in ay isku xoojiso.

Raphinha ayay u doonayaan in uu u noqdo beddelka Ousmane Dembele oo caawa saqda dhexe xor ka noqonaya Barcelona kaddib markii uu diiday inuu cusboonaysiiyo qandaraaskiisa oo ku ekaa June 30.

Arrintan ayaa dhibaato weyn ku noqonaysa Chelsea oo soo qaadatay 24 saacadood oo ay rumaysnayd in ay gacanta ku dhigtay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan ee garabka weerarka, waxaana sii dilaya Deco oo ah wakiilka  laacibkan oo waqtigiisii ugu fiicnaa u ciyaaray Barcelona oo uu xidhiidh dhow oo saaxiibtinimo la leeyahay, inkasta oo sidoo kale uu u ciyaaray Chelsea.

Si kastaba ha ahaatee, 72ka saacadood ee soo socda ayaa la filayaa in si rasmi ah loo ogaado kooxda uu Raphinha u wareegayo, iyadoo hadda ay tartankiisa iskugu soo hadheen Barcelona iyo Chelsea kaddib markii ay garbiyeen Arsenal oo uu hunguri ka hayey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*