DEG-DEG: Arsenal Oo Dalabkii SADDEXAAD Ka Gudbisay Xiddig Kale Oo Ay Ku Garaacayso Manchester United

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa dalabkii saddexaad ka gudbisay xiddig ay diiraddu u saarnayd Manchester United oo uu tababare Erik ten Hag doonayay in uu keeno Old Trafford, waxaase hadda qarka u saaran Gunners oo la sheegay inay u dhow dahay inay gacanta ku dhigto laacibkan oo noqonaya saxeexii shanaad ee ay samayso Arsenal xagaagan.

Arsenal ayaa hore ugu garaacday Manchester United xiddiga khadka dhexe ee Fabio Vieira oo toddobaadkii hore ay lasoo wareegtay, haddana waxay dalabkii saddexaad  ka gudbisay difaaca reer Argentina ee Lisandro Martinez oo ka tirsan Ajax, kuna jiray liiska ciyaartoyda uu doonayo Ten Hag.

Arsenal ayaa dalabkeedii koowaad ee ay kaa gudbiso Martinez oo ahaa £26 milyan oo Gini waxa gaashaanka kusoo dhufatay Ajax oo dalbanaysa lacag intaas ka badan, waxaanay mar labaad sare u qaadday lacagtaas oo haddana ay jawaab diidmo ah kala kulmeen.

Mikel Arteta oo ay ka go’an tahay inuu helo laacibkan ayaa waxa hadda ay kooxdiisu gudbisay dalab saddexaad oo ah £34 milyan oo Gini oo ay sugayaan inay helaan jawaab ay ku farxsaan.

Kooxda reer Netherlands ayaanu haysanin wax culays dhaqaale ah oo ku kallifaya inay iibiso laacibkeedan, kaddib markii ay lacago badan ka samaysay Ryan Gravenberch iyo Sebastien Haller oo toddobaadkii hore ay lacago tobannaan milyan ah kaga iibiyeen Bayern Munich iyo Borussia Dortmund.

Ajax ayaa la rumaysan yahay in ay doonayso £43 milyan oo Gini oo ay ku xidhayso saxeexa Martinez oo ka ciyaara difaaca bidix, balse Arsenal ayaa ku qanacsan in ay ku qasbi karto Ajax inay 24 jirkan kaga iibiso £34 milyan oo Gini.

Martinez oo ka mid ah xulka qaranka Argentina ayaa waxay Ajax lasoo wareegtay sannadkii 2019, waxaana awooddiisa jidheed, farsamadiisa iyo bandhiggiisa hibada leh ay keeneen in ay kooxo badan oo reer Yurub ahi si dhow ula socdaan, waxaana xiisaha sii kordhiyey dhererka laacibkan oo ah 5 fiit iyo 9 inch.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*