DEG DEG: Arsenal Iyo Barcelona Oo Ka Hishiiyay Saxiixa Pierre-Emerick Aubameyang

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa heshiis joogta ah ugu wareegaya kooxda Barcelona ka dib heshiis ay wada gaareen Arsenal.

Kabtankii hore ee Gunners ayaa si xor ah ugu wareegaya Barcelona iyadoo markii hore la filayay in hishiiska uu noqdo mid amaah ah.

Xiddiga reer Gabon ayaa ogolaaday inuu hoos u dhigo mushaharkiisa si uu ugu wareego kooxda tababare Xavi Hernandez.

Dhinacyada oo dhan ayaa ku faraxsan heshiiskaan iyadoo Aubameyang uu helayo riyadiisii aheyd inuu u dheelo Barcelona halka Barca ay xiddig weyn ku heshay si bilaash ah.

Arsenal iyadana waxaa u badbaaday 25 milyan ginni oo ah mushaharkii ay siin laheyd xiddigaan haddii uu kooxda sii joogi lahaa inta ka harsan qandaraaskiisa.

Pierre-Emerick Aubameyang oo Barcelona u duulay saaka si uu u booqdo qoyskiisa oo ku nool duleedka magaalada ayaa haatan isku diyaarinaya inuu tijaabada caafimaadka maro.

Waxaa la filayaa in heshiiska si rasmi ah loogu dhawaaqo ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.

Waxan tani soo gababaneysaa waayihii ciyaareed ee Aubameyang ee Arsenal isagoo kooxda ka tagaya xilli ay isku dhaceen tababare Mikel Arteta.

Aubameyang ayaan u dheelin Arsenal tan iyo markii laga saaray kooxda markii uu ka soo daahay waqigii loo qabtay inuu ku soo laabto markii loo fasaxay inuu Faransiiska ku booqdo hooyadiis.

Wixii markaas ka danbeeyay waxaa laga xayuubiyay kabtanimada haatana wuxuu si xor ah ugu wareegayaa Barcelona.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*