DEG-DEG: Afduub Layaableh Oo Ka Dhacay Horyaalka Premier League & Xiddig Isku Maray Laba Kooxood Saacado Gudahood

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa maanta laga diiwaangeliyey afduub layaableh iyadoo hal ciyaartoy uu laba kooxood heshiis u saxeexay saacado kooban gudahood, taas oo hadal-hayn badan ka abuurtay suuqa iibka ciyaartoyda ee bishan January.

Kooxda kubadda cagta Tottenham ayaa si lama filaan ah gacanta ugu dhigtay oo ula wareegtay xiddig koox kale heshiis u saxeexay oo waliba kaa gudbay tijaabada caafimaadka, taas oo anfariir ku noqotay dadkii la socday arrintan.

Xiddiga reer Netherlands ee Arnaut Danjuma ayaa tijaabada caafimaadka u maray Everton, waxaana loo ballamiyey saxaafadda si loogu soo bandhigo isaga oo heshiiska saxeexaya markii ay si buuxda iskula qaateen inuu u wareego naadigaas. Kooxdiisa Villarreal ayaa ogolaatay in uu Arnaut Danjuma u wareego Everton.

Iyadoo la sugayo in si rasmi ah ay Everton ugu soo bandhigto saxaafadda, ayaa waxa mar kaliya lagu war helay in Arnaut Danjuma uu heshiis kale  la gaadhay Tottenham oo si lama filaan ah ula wareegtay, iyadoo waliba saacado kooban oo kaliya ku jirtay tartanka laacibkan.

Arnaut Danjuma oo doonayay inuu ka hoos ciyaaro Antonio Conte ayaa dhabarka u jeediyey Everton oo uu kaliya ay u hadhsanayd in heshiiskiisa ay rasmi ah ugu dhawaaqdo, waxaana uu laacibkani hadda kusii jeedaa magaalada London oo uu heshiis amaah ah oo illaa dhamaadka xilli ciyaareedkan ah uu ugu biiri doono.

Wararka ayaa sheegaya in sababaha uu Arnaut Danjuma uga booday Everton ay ka mid tahay in ay shalay shaqada ka caydhiyeen tababare Frank Lampard.

Danjuma ayaa khibrad badan u leh horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo uu hore ugu soo ciyaaray Bournemouth ka hor intii aanay heerka labaad u dhaadhicin, taas oo uu uga sii gudbay Villarreal oo uu heshiis waqti dheer ah u saxeexay January 2021.

Intii uu Spain joogay ayuu u dhaaliyey 15 gool 33 ciyaarood oo uu u saftay, waxaana uu hadda dib ugu laabanayaa horyaalka Premier League oo uu ka ciyaari doono inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Arnaut Danjuma ayaa waxa uu ku dhashay magaalada Lagos ee waddanka Nigeria, waxaase uu doortay inuu u ciyaaro xulka qaranka Nethelrands oo lix ciyaarood oo uu u saftay uu u dhaliyey laba gool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*