Dawladda UK Oo Go’aan Kale Kasoo Saartay Chelsea Oo Hore Xayiraado Loogu Soo Rogay

Dawladda UK ayaa si cad u diidday in ay ka laabato xayiraaddii ay hore ugu soo rogtay Chelsea, isla markaana u ogolaato in kulamada ugu dambeeya horyaalka Premier League ay taageereyaashu yimaaddaan garoonka Stamford Bridge oo laga iibiyo tigidhada daawashada.

Chelsea ayaa suuqa lasoo dhigay oo la shaaciyey in la iibinayo horraantii bishan markii ay dawladda UK xayiraado kusoo rogtay hantida Roman Abramovich iyadoo loo nisbaynayo xidhiidhka uu la leeyahay Madaxweynaha waddanka Ruushka, Vladimir Putin.

Blues ayaa loo diiday in ay iibiso tigidhada daawashada kulamadeeda ee inta ka hadhay xilli ciyaareedkan, waxaana loogu daray xayiraado kale oo adag oo ay ka mid ahayd in aanay wax heshiisyo ah la saxeexan karin ciyaartoydeeda qandaraasyadoodu dhamaadka yihiin iyo kuwo cusub midna.

Taageereyaasha Chelsea ayaa ka dalbaday dawladda UK, in ay fududayso xayiraadahan oo ugu yaraan loo ogolaado in ay garoomada yimaaddaan iyaga oo iibsanaya tigidhka kulamada Premier League, hase yeeshee dawladda ayaa arrintaas jawaab ka bixisay, waxaanay sheegtay in aanay fasixi doonin in iibka tigidhada.

Wasiirka Ciyaaraha UK oo lagu maagacaabo Nigel Huddlesto ayaa sheegay in ay taageereyaasha wada-hadleen oo ay si hufnaan ah ugu sharraxeen sida xaaladdu tahay iyo qorshaha dawladda, balse aanay marnaba ogolaanayn in la ogolaado in kooxdu ay iibiso tigidhada kulamada horyaalka Premier League.

Blues oo la sheegay inay haysato 4,000 taageereyaal haysta tigidhka sannadka oo dhan oo aanay wax saamayn ah ku yeelanayn xayiraaddani, ayaa waxay taageereyaashu dalbanayeen in la gaadhsiiyo illaa 40,000 qof.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*