DAGAAL: Argentina & Mexico Oo Dariiqyada Is Caydhsanaya SADDEX Maalmood Ka Hor Ciyaartooda Koobka Adduunka

Iyadoo saddex maalmood ka hadhsan yihiin kulanka xaasaasiga ah ee Mexico iyo Argentina, waxa dariiqyada magaalooyinka waddanka Qatar ka bilowday dagaallo u dhexeeya taageereyaasha labada dal, kuwaas oo xalay meelo kala duwan isku dhacay, booliskuna kala xakamaynayeen.

Ciyaartan xaasaasiga ah ayay xumaddeedu cirka iskusii shareertay iyadoo maalmo ka hadhsan yihiin, waxaanay sawir buuxda ka bixinaysaa sida ay noqon doonto ciyaartu marka ay garoonka iskugu yimaaddeen xiddigaha labada waddan.

Argentina ayaa haddii laga badiyo ka hadhi doonta Koobka Adduunka, kaddib guul-darradii ay ciyaartii hore kala kulmeen Sucuudi Carabiya, hase yeeshee Mexico ayaa iyaduna ku dedaali doonta inay ka baaqsato guul-darro, waxaanay ogyihiin in haddii ay garaacaan Argentina in ay lug lasii geli doonaan wareegga 16ka Koobka, iyaga oo ka rajo sugi doona ciyaarta Sucuudiga iyo Poland.

Sida ay muujiyeen muuqaallo ay warbaahintu soo bandhigayso, taageereyaasha Argentina iyo Mexico ayaa dagaalkoodu uu xalay dhacay, balse wax khasaare ah, sida dhaawacyo lama soo warinin.

Garoonka Lusail Stadium oo qaada taageereyaal tiradoodu gaadhayso 80,000 ayaa loo qorsheeyey ciyaarta Argentina iyo Mexico, waana kulanka ugu xamaasadda badan ee indhaha lagu hayo, sababtoo ah taageereyaal badan ayaa wadnaha farta ku haya maadaama haddii ay Mexico badiso ay Koobka Adduunka ka hadhi doonaan Lionel Messi iyo xiddigaha Argentina.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*