DAAWO: Wixii Uu Sameeyey Neymar Oo La Weydiiyey Sida Uu Yahay Xidhiidhka Uu La Leeyahay Kylian Mbappe

Xiddiga reer Brazil ee Neymar ayaa qiray in ay jirto xurguf u dhaxaysa isaga iyo Kylian Mbappe, waxaana uu diiday in uu si cad uga jawaabo oo uu faahfaahin ka bixiyo sida uu yahay xidhiidhka ka dhexeeya isaga iyo xiddiga reer France ee ay isku kooxda yihiin.

Neymar iyo Mbappe ayaa mar horeba muujiyey calaamado in uu kakan yahay xidhiidhkooda gudaha garoonka, kaddib markii ay rikoodhe isku qabsadeen kulankii Montpellier ee bishii August ee horyaalka Ligue 1.

Mbappe oo rikoodhe khasaariyey ciyaartaas ayaa mid labaad oo loo dhigay ku qabsaday Neymar oo isaguna diiday in uu kubadda u dhiibo, iyadoo markii uu laacibka Brazil dhaliyeyna aanu dabbaal-degga kasoo qayb-gelin Kylian Mbappe oo iskaga hadhay ciayartoyda kale.

Neymar ayaa isagana la arkayay isaga oo cadhaysan kulankii Juventus ee Champions League ee horraantii bishan, kaddib markii uu Mbappe u dhiibi waayey baas goolka hortiisa ahaa iyadoo aanay jirin cid cidhiidhi ku haysay Neymar, balse uu kubaddaas khasaariyey Mbappe oo goolka garab mariyey.

Isaga oo warbaahinta la hadlayay Jimcihii kaddib guushii 3-0 ahayd ee xulka qaranka Brazil uu ka gaadhay Ghana ayaa waxa Neymar la weydiiyey sida uu yahay xidhiidhka ka dhexeeya isaga iyo saaxiibkiisa Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe, waxaana uu si cad iskaga diiday in uu ka jawaabo su’aashaas oo uu iskaga dhaqaaqay.

Horraantii bishan, Kylian Mbappe ayaa ku adkaystay in uu ixtiraam badan u hayo laacibka reer Brazil oo uu sheegay in ay tahay sannadkii lixaad ee ay ku wada qaadanayaan PSG, isla markaana tixgelin iyo isfaham dabiici ah uu dhexdooda ka jiro.

Halkan ka daawo waxa uu sameeyey Neymar markii la weydiiyey sida uu yahay xidhiidhka uu la leeyahay Mbappe

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*