DAAWO: Tababaraha Xulka Ghana Oo Sawir Muran Dhaliyey La Galay Son Heung-min Oo Ooyaya

Tababaraha xulka qaranka Ghana ayaa sawir muran dhaliyey la galay xiddiga xulka qaranka Koonfur Korea ee Son Heung-min oo ooyaya, daqiiqado kaddib markii ay dhamaatay ciyaartii ay xiddigaha Afrikaanku guusha weyn ee 3-2 kaga soo hooyeen Kooinfur Korea.

Ghana ayaa guusheedii koowaad ee Koobka Adduunka soo hoysay markii ay 3-2 ku jiidhay Koonfur Korea, waxaanay qaybtii horeba ciyaarta ku hoggaaminaysay 2-0, hase yeeshee waxay ogolaadeen in labada goolba laga daba keeno oo ay ciyaartu noqoto 2-2.

Mohammed Salisu iyo Mohammed Kudus ayaa noqday halyeeyada Ghana goolasha u dhaliyey ee niyad-jabiyey Koonfur Korea, waxaana qaybtii dambe goolka guusha saxeexay Kudus oo laba gool ka dhaliyey ciyaaarta.

Cho Gue-sung ayuu ahaa xiddiga Koonfurta Korea u saxeexay labada gool ee afarta daqiiqadood gudahood ay kaga  dhaliyeen garoonka Eduacation City Stadium, balse Kudus ayaa loosoo diray oo toddoba daqiiqadood kaddib dabbaal-deggooda keenay goolka guusha siiyey Ghana oo kaalinta labaad kaga jira group-kooda, isla markaana u baahan inay Uruguay ka badiso ciyaarta  ugu dambaysa, amaba barbarro la gasho, iyaga oo dhinaca kalena ku ducaysanaya in Portugal ay garaacdo Koonfur Korea.

Arrin layaab leh ayaa dhacday markii ay ciyaartu soo dhamaatay, waxaana oohin qabsaday Son Heung-min oo qirayey in rajadii xulka qarankiisa ee Koobka Adduunku ay dhamaatay maadaama ay kulankooda ugu dambeeyana la ballansan yihiin Portugal.

Iyadoo arrintaasi jirto ayaa mid ka mid ah tababare ku-xigeennada Ghana uu sawir Selfie ah la galay Son oo aan arkaynin, waxaanu u dhax-raaciyey tababareyaasha kale ee xulka dalkaas oo iyaga oo niyadda u dhisaya uu tababarahan kale sawir ku xaday.

Halkan ka daawo muuqaalka:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*