Xulalka Ivory Coast iyo Sierra Leone ayaa xalay bar-bardhac 2-2 ah galay xilli goolhayaha xulka Ivory Coast ee Ali Badra Sangare uu daqiiqadii ugu dambaysay ee kulanka goolka rajada galiyay siiyay xulka Sierra Leone.
Mid kamida daafacyada Ivory Coast ayaa kubadda madax ugu dhiibay Sangare balse goolhayaha oo u muuqday mid si sahlan u qabsaday ayaa dhulka si xun ugu dhacay isaga oo kubadda sii-daayay, waxa qaladkaas ka faa’idaystay xulka Sierra Leone waxaana goolka bar-bardhaca u dhaliyay Alhaji Kamara.
Qaladkaas ayaa sababay in sidoo kale goolhaye Ali Badra Sangare uu dhaawac garoonka looga dhex qaaday ku gaadhay taas oo sababtay in kabtan Serge Aurier uu goolka galo daqiiqadihii ugu dambeeyay.
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka
🇨🇮 93 minutes into the Game, Ivory Coast leading Sierra Leone 2-1 and then this happens… Choi! 😳 🙆🏽♂️
Goalkeeper Sangare with the blunder of the year 🤦🏽♂️#AFCON2021 #TeamIvoryCoast #TeamSierraLeone pic.twitter.com/nOQrPOE9zb
— Football Fans Tribe 🇳🇬 ⚽ (@FansTribeHQ) January 17, 2022
Be the first to comment