Rodrygo ayaa sameeyey ficil ay dunidu aad u hadal-hayso oo uu ku sameeyey halyeyga Brazil ee Ronaldo Nazario oo waraysi ka qaaday xalay markii ay soo dhamaatay ciyaartii ay ugu gudbeen wareegga 16ka Koobka Adduunka ee ay Switzerland goolka madiga ah kaga adkaadeen.
Xiddiga da’da yar ee Real Madrid ee Rodrygo ayaa si lama filaan ah u kacay oo lugaha u qabsaday Ronaldo oo waraysiga ka qaadayay, iyadoo ay kaamirooyinku si toos ah u hayaan oo aanu wali dhamaan waraysiga oo laga baahiyey barta FIFA.
21 jirkan oo ay u tahay markii koowaad ee uu ka qayb-gelayo Koobka Adduunka, ayaa waxa uu soo bandhigay waxyaabaha uu dareemay markii uu ka mid noqday xulka Brazil ee Koobka Adduunka, iyo haddii uu diyaar u yahay inuu buuxiyo booska Neymar oo dhaawac ah.
Ronaldo Nazario ayaa markii uu waraysiga dhameeyey waxa uu ku yidhi Rodrygo: “Samee wax walba, nasiib wanaagsan ayaan kuu rajaynayaa! Reer Brazil oo dhan ayaa ku garab taagan. Waad mahadsan tahay.”
Rodrygo ayaa intaas kaddib soo kacay isaga oo iska dhigaya inuu salaamayo Ronaldo oo hortiisa fadhiyey, waxaanu si lama filaan ah ugu foorarsaday lugaha Ronaldo oo uu labada gacmood ku duugay, sidii uu ka ducaysanayo. Kaddibna waxa uu mar kale gacmaha ku salaaxay lugihiisa.
Hadal kooban oo ka qosliyey Ronaldo ayaa uu Rodrygo yidhi, waxaanay uu u sheegay inuu ka barakacaysanayo lugihiisa.
Halkan ka daawo dhacdada:
Rodrygo quiere un poquito de Ronaldo. Brillante final 🤣pic.twitter.com/PvluvFO4ZV
— Pablo Giralt (@giraltpablo) November 28, 2022
Rodrygo rubbing Ronaldo's leg powers onto his for the 🐐 effect 😂😂😂pic.twitter.com/oJBYHxrlZd
— M•A•J (@Ultra_Suristic) November 28, 2022
Waxas oo kale maha wax dad muslima loso gudbiyo jalayaal