DAAWO Falcelintii Cajiibka Ah Ee Xiddigaha Argentina Kaddib Qalad Lagu Galay Lionel Messi Xalay

Xulka Argentina ayaa kulan saaxiibtinimo oo ay xilli dambe oo xalay ah la ciyaareen dhigooda Honduras guul weyn oo 3-0 ah gaadhay.

Argentina ayaa goolka furitaanka daqiiqadii 16-aad ka helay weeraryahan Lautaro Martinez kahor intuusan daqiiqadihii 45-aad iyo 69-aad laba gool oo kale raacsan hoggaamiyaha xulkaas ee Lionel Messi.

Intii uu kulankaasi socday  ayaa taatikada tababaraha xulka Honduras laga dareemayay inuu muhiimad gaar ah siinayay Messi iyadoo ay jireen xiddigo toos u bartilmaameedsanayay.

Taas bedelkeeda xiddigaha xulka kusoo guuleystay Copa America ayaa iyaguna si weyn u ilaalinaya 35 sano jirkaas gaar ahaan maadaama ay kaliya wax laba bilood ka yari ka hadheen koobka aduunka oo ay rajaynayaan inuu meel fiican ku hoggaamin doono.

Sida ay xiddigaha Argentina u ilaalinayaan Leo ayaa cadaatay kaddib markii ay falcelin cadho weyni ka muuqato sameeyeen markii uu xiddig Honduras ahi qalad ku galay Messi.

Halkan Ka Daawo Muuqaalkaas & Wixii Dhacay

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*