DAAWO: Dhoola-tuska Gareth Bale Uu Samaynayo Iyo Goolka Uu Kaga Sii Nixiyey Liverpool Ka Hor Finalka Champions League

Gareth Bale ayaa qabsaday warbaahinta baraha bulshada kaddib markii uu dhaliyey gool dhoola-tus lagu tilmaamay ka hor ciyaarta finalka Champions League ee Liverpool oo Sabtida ay kooxdiisa Real Madrid kula ciyaarayso magaalada Paris.

Xiddiga reer Wales ayay u noqon doontaa kulankii ugu dambeeyey ee uu u ciyaaro Real Madrid oo uu si xor ah uga tegayo, waxaana uu maalmihii ugu dambeeyey si adag u qaadanayay tababarka si uu fursad uga helo ciyaartan.

Bale oo xilli ciyaareedkan oo dhan toddoba kulan oo kaliya u saftay Madrid, una dhaliyey hal gool, ayaa la xasuusan yahay in uu ahaa xiddigii goolasha ku khalkhaliyey Liverpool finalkii Champions League ee 2018 oo isaga oo beddel kusoo galay uu laba gool ka dhaliyey.

Tababare Carlo Ancelotti ayaa la dhacay gool qurux badan oo uu bannaanka ka toogtay oo uu saxeexay Bale waqti ay kooxdiisu tababarkii ugu dambeeyey ee isku-diyaarinta finalka Champions League ay samaynaysay, waxaana goolhaye Thibaut Courtois uu awoodi waayey inuu joojiyo kubad gantaal ah oo dhinac u socotay oo uu kusoo toogtay Bale.

David Alaba ayaa si degdeg ah ugu cararay Gareth Bale oo la dabbaal-degay isaga oo ay u qaadan-waa ku noqotay sida uu goolkaas u dhaliyey, waxaanay kaamirooyinku qabteen iyadoo ay isla qoslayaan labadoodu.

Jamaahiirta Real Madrid ayaa ka falceliyey goolkan, waxaanay usoo jeediyeen tababare Carlo Ancelotti in uu ciyaarsiiyo Bale kulanka Liverpool ee Sabtida maadaama uu sannadkii 2018 beddel kusoo galay xilli uu waliba Zidane kaydka ku hayay muddo badan oo uu niyad-jabsanaa.

Halkan ka daawo goolka uu dhaliyey Gareth Bale

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*