Cristiano Ronaldo Oo Lagu Eedeeyey Inuu Sabab U Yahay Dhibaatada Harry Maguire

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa lagu eedeeyey in uu sabab u yahay dhibaatada uu ku jiro kabtanka Manchester United ee Harry Maguire oo Salaasadii ay jamaahiirta xulka qaranka England ku ooriyeen.

Harry Maguire ayaa lumiyey qaab ciyaareedkiisii fiicnaa, waxaanu gaadhay heer ay taageereyaashu dalbadaan in aan la ciyaarsiinin oo kursiga kaydka laga geliyo xulka qaranka England iyo kooxdiisa Manchester United intaba.

Xiddigaha xulka qaranka Egnaldn ee Harry Kane, Jordan Henderson, Jack Grealish iyo Declan Rice ayaa intuba u istaagay difaacista Maguire, waxaanay warbaahinta bulshada kusoo bandhigeen sida ay uga xun yihiin qaabka ay taageereyaashu ula dhaqmeen ka  hor intii aanay bilaabmin ciyaartii saaxiibtinimo ee xalay ay 3-0 ku garaaceen Ivory Coast.

Waxa kale oo isaguna difaacay Maguire tababare Gareth Southgate oo ku tilmaamay ciyaartoy wanaagsan laakiin dhibaatada hadda haysata ay tahay mid kaga timid dhinaca kooxdiisa Man United oo liidata.

Laakiin halyeygii Liverpool iyo xulka qaranka England ee Jamie Carragher ayaa dhibaatada Maguire ku eedeeyey Cristiano Ronaldo, waxaanu ku dooday in wax kasta oo ku dhacay difaacan ay bilowdeen markii uu Ronaldo kusoo laabtay Old Trafford.

“Dhibaatada haysata Maguire waxa sababtay awoodii uu ku lahaa qolka labbiska oo ka luntay. Tan iyo xagaagii hore, Maguire waxa uu eegayay garbihiisa maadaama ay jirtay dood ahayd in Cristiano Ronaldo looga qaadayo kabtanimada.” Ayuu yidhi Carragher.

“Halkii uu dib usoo ceshan lahaa hoggaamintiisa ayuu hoos u dhacay, waxaanay taasi saamayn ku yeelatay bandhiggiisa.” Ayuu raaciyey.

Waxa uu Carragher sheegay in hal qof oo kali ahi uu xallin karayo mushkiladdan, waxaanu yidhi: “Hal qof oo kaliya ayaa beddeli karaya xaaladda, waana isaga. Maguire waxa uu muujiyey hibadiisa iyo ad-adaygiisa intii uu joogay Manchester United marka laga reebo xilli ciyaareedkan, iyo in uu sii ahaado kabtanka difaaca xulka England ee Koobka Adduunka.”

Harry Maguire oo ay da’diisu tahay 28 jir, kali kuma aha canaanta iyo qaab ciyaareedka xun, waxaana la wadaaga ciyaartoyda kooxdiisa oo uu ugu horreeyo Cristiano Ronaldo oo isagana dhaliilo badan loo jeedinayay xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*