Cristiano Ronaldo Oo Ilmada Ceshan Kari Waayey – Maxaa Ku Dhacay?

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa u dhowaaday inuu garoonka dhaxdiisa ku ooyo ka hor intii aanay bilaabmin ciyaartii ay guusha 3-2 ah ka gaadheen xulka qaranka Ghana.

37 jirkan oo ah kabtanka xulka qaranka Portugal ayaa kusoo bilowday ciyaarta, waxaanay u ahayd kulankiisii koowaad ee uu garoomada kasoo muuqdo tan iyo markii ay Manchester United burburisay heshiiskii ay kula jirtay.

Ronaldo oo ay u tahay markiis hanaad ee uu ka qayb-gelayo Koobka Adduunka oo uu sannadkii 2006 markiisii u horreysay ciyaaray, ayaa waxa uu dareenkiisa xakamayn kari waayey markii garoonka laga daaray heesta calanka Portugal, taas oo intii ay socotay uu dirqi ku ceshanayay ilmada.

Kaamirooyinka ayaa lagu soo dhoweeyey indhaha Cristiano Ronaldo oo u muuqanaya inay ilmaynayaan, waxaana markii ay dhamaatay heesta calanka dalkiisu uu sare u qayliyey iyadoo makarafoonnada garoonka iyo kaamirooyinku soo qabteen qayladiisa.

Ronaldo oo ciyaarta ku furay gool rikoodhe ahaa, ayay u ahayd habeen dareenkiisa ay ku ladhnayd shucuur, sababtuna waa in uu yahay ciyaartoyga kaliya ee ka qayb-gelaya Koobka Adduunka ee koox la’aanta ah.

FIFA ayaa saacad ka  hor intii aanay bilaabmin ciyaartu waxay daabacday liiska xulalka labada dal ee Portugal iyo Ghana, iyadoo ciyaartoy walba loogu hor qoray magaca naadigiisa, hase yeeshee Cristiano Ronaldo ayaa koox la’aan loogu qoray warqadda ay FIFA soo saartay ciyaarta ka hor.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*