Ciyaartoyda PSG Oo Go’doomiyey Kylian Mbappe & Ballantii Uu Weeraryahani La Galay Kooxda Oo La Fulin Waayey

Weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe ayaa dareensan inuu go’doon ku yahay kooxdiisa Paris Saint-Germain oo ay ciyaartoyda kale dhinac isku urursanayaan, kaddib markii ay isku dhaceen xiddiga Brazil ee Neymar oo horraantii toddobaadkan ay isku qabsadeen rikoodhe.

Kylian Mbappe ayaa la sheegay in aanu ku faraxsanayn kooxdiisa oo uu u cadhaysan yahay maamulka oo u fulin waayey ballamihii ay wada galeen xilligii uu heshiiska cusub u saxeexayay bishii May.

23 jirkan ayaa dhalleecayn ba’an kala kulmay falanqeeyeyaasha ciyaaraha iyo taageereyaasha markii uu soo maxay muuqaal muujinaya isaga istaagay markii bas loo dhiibi waayey kulankii ay PSG 5-2 ku garaacday Montpellier.

Intaas oo dhan waxa sii dheer, in rikoodhihii uu khasaariyey uu ka boobay Neymar, mar kalena uu isku dayay in rikoodhe labaad oo loo dhigay uu ka xoogo balse  uu Neymar iska diiday inuu kubadda u dhiibo.

Labada ciyaartoy ayaa kulankaas  ku dhamaystay iyadoo ay bannaanka usoo baxday kala duwanaanshahooda iyo khilaafka u dhexeeya, waxaanay waliba abuurtay dood ah ciyaartoyda yeelanaya laadista rikoodheyaasha, taas oo uu Mbappe doonayo in isaga lagu soo wareejiyo.

Tababare Christophe Galtier iyo agaasimaha ciyaaraha ee kooxda ayaa la sheegay inay go’aan ka gaadhi doonaan midka laadanaya rikoodheyaasha Neymar iyo Kylian Mbappe, iyadoo waliba uu joogo Lionel Messi oo ah ciyaartoyga loogu kalsoonida badan yahay laadka noocan ah.

Sida ay warbaahinta Faransiiska iyo Spain sheegtay, intii ka dambaysay ciyaartii Montpellier ayaa uu Mbappe dareemayaa in uu go’oon yahay oo ay ciyaartoydu dhinac iskaga ururinayaan, taas oo laga yaabo inay sii xumayso xidhiidhka laacibkan iyo ciyaartoyda waaweyn, sida Neymar iyo Lionel Messi oo isku garab ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*