“Ciyaartii Aanu 4-0 Ku Garaacnay Barcelona Ayaan Ugu Jecelahay…” Sadio Mane Oo Durba Ka Cadhaysiiyey Taageereyaasha Barcelona

Sadio Mane ayaa ka cadhaysiiyey taageereyaasha Barcelona markii maanta uu heshiiska u saxeexay Bayern Munich oo heshiis saddex sannadood ah uu u saxeexay, waxaana hadal uu saxaafadda u sheegay uu kala dilay isaga iyo kooxda reer Spain.

Laacibkan oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa la weydiiyey ciyaarta uu ugu xasuusta badnaanayo ee uu ugu jeclaa Liverpool, ayaa waxa uu sheegay inay tahay semi-finalkii Champions League ee 2019 oo ay 4-0 ku garaaceen Barcelona.

Lugtii hore ee ka dhacday Camp Nou ayay Barcelona guushu ku raacday 3-0, hase yeeshee markii la isla tegay Anfield ayay Liverpool guul soo laabasho cajiib ah samaysay, iyadoo 4-0 ku burburisay Barcelona, sidaana ugu soo gudubtay finalka.

“Waxa aan marka hore  soo qaadayaa  ciyaartii aanu 2019 garoonkayaga ku garaacnay Barcelona, waxay ahayd cajiib. Waxa aan sidoo kale soo qaadanayaa markii aanu ku guuleysanay Champions League.” Ayuu yidhi Mane.

Waxa uu ku daray: “Waxay ila tahay, illaa hadda inay tahay ciyaarta ugu wanaagsan, waqtigii ugu fiicnaa, waan xasuusnaan doonaa waligay, waana hubaal.”

Mane ayaa u saxeexay Bayern Munich heshiis soconaya illaa sannadka 2025, iyagoo Liverpool siiyey lacag gaadhaysa 36 milyan oo Euro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*