Chelsea Oo Xiddigii Ay Raphinha Kaga Samri Lahayd Aragtay, Weeraryahanka Cusub Ee Man United Isha Ku Hayso & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa

Barcelona ayaa ogolaatay inay bixiso 65-ka Milyan ee pound ee Leeds ku doonayso iibka Raphinha, muhiimada koowaad ee Barca ayaa haatan ah inay Frenkie de Jong ka iibiso Manchester United.(Mirror)

Chelsea ayaa u muuqata mid Barcelona kaga dambaysa tartanka Raphinha waxaana ay diiradeeda u jeedisay garabka kooxda Bayern Munich ee Serge Gnabry. (Mail)

Manchester United madaxeeda fulinta ee Richard Arnold ayaa ka shaqaynaya inuu Ronaldo ku qanciyo inuu ka tanaasulo aragtidiisa ah in la fasaxo oo uu kooxda  kusoo laabto. (Times – subscription required)

United ayaa sidoo kale wadahadalo la yeelatay weeraryahanka kooxda Stuttgart ee Sasa Kalajdzic. (Sky Germany – in German)

Brentford ayaa ku dhaw saxeexa 16-ka Milyan ee pound ee ku qabsoomaya ee ay Keane Lewis-Potter kagala soo wareegayaan Hull. (Athletic – subscription required)

Brentford ayaa sidoo kale ku kalsoon inay Man United ku garaacdo saxeexa goolhayaha Lazio sida bilaashka ah kaga tagay ee  Thomas Strakosha. (Mail)

Ousmane Dembele oo heshiiskiisii Barcelona dhacay ayaa saxeexaya mid cusub oo laba sano ah oo gaadhsiisan ilaa 2024. (Marca)

Wolves ayaa diiday dalab 25 Milyan oo pound ah oo ay khadka dhexe ee Morgan Gibbs-White kasoo gudbisay Everton. (Mail)

Everton ayaa xiisaynaysa khadka dhexe ee Chelsea ee Conor Gallagher balse Blues ayaan go’aan ka gaadhi doonin kahor dhammaadka suuqa. (The i)

Fulham ayaa Tottenham kala xidhiidhay saxeexa daafaca Joe Rodon. (Football Insider)

Fulham ayaa Wolfsburg wadahadalo meel fiican kagala jirta daafaca midig ee Kevin Mbabu iyagoo kaga helaya qiimo £5m. (Evening Standard)

Sevilla ayaa xiisaynaysa saxeexa daafaca bidix ee Tottenham ee Sergio Reguilon.(Mail)

Nathan Collins ayaa noqon doona xiddiga Irish-ka ah ee ugu qaalisan taariikhda isagoo heshiis 20 Milyan oo pound ah kaga tagaya Burnley kuna biiraya Wolves toddobaadkan. (Irish Independent)

Arsenal ayaa dalab 5.9 Milyan pound ah ka gudbisay daafaca bidix ee Benfica ee Alex Grimaldo kaddib markii uu Tierney kaliya 30 daqiiqo ka ciyaaray kulankii uu dhaawaca kasoo laabtay. (Star)

Juventus iyo Roma ayaa xiisaynaya khadka dhexe ee Arsenal ee Lucas Torreira oo ay Fiorentina heshiiskiisa rasmi ka dhigi wayday. (Evening Standard)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*