Chelsea Oo Waqtigii Dhimashada Lagu Dhegay Iyo Murugadii Potter Oo Soo Laabatay

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa xajisan kari weyday guul gacanteeda ku jirtay oo ay lumisay waqtigii dhimashada, kulan ay barbarro 2-2 ah ku kala baxeen Everton oo garoonka Stamford Bridge ay dhibcaha iskaga lumisya Blues.

Chelsea oo labadii ciyaarood ee Premier League ee ugu dambeeyey soo badisay, ayaa ku laabatay dariiqii niyad-jabka ahaa ee ay inta badan kusoo jirtay xilli ciyaareedka.

Ciyaar si adag loogu xafiiltamay oo qaybtii hore ay shabaqyadu nadiif ahaayeen, ayaa waxa qaybtii labaad gool qurux badan hoggaanka ugu dhiibay Chelsea xiddiga reer Portugal ee Joao Felix oo kubbad diciif ah oo uu meel fog ka laaday ay weydaaratay goolhaye Jordan Pickford.

Laakiin goolkaasi masii waarin, waxaana ka daba yimid oo barbarreeyey Abdoulaye Doucoure oo shan daqiiqadood oo kaliya kaddib shabaqa soo taabtay.

Chelsea ayaa la timid gool labaad oo qurux badan oo uu lugta bidix ku dhamaystiray xiddiga reer Maraykan ee Christian Pulisic, hase yeeshee waxa uu arkay calanka oo ka taagan dhinaca midig oo u sheegaya inuu offside kusii jiray Kai Havertz, waana ka hor intii aanu dabbaal-degga bilaabin.

Rikoodhe uu dhaliyey Kai Havertz ayay Chelsea hoggaanka ciyaarta kusoo ceshatay daqiiqaddii 76aad, isaga oo dhinaca kale u diray goolhaye Pickford.

Tababare Graham Potter ayaa u maleeyey inay ciyaartu dhamaatay oo uu guusha gacanta ku dhigay, waxaanu sameeyey sameeyey beddelo galaaftay kooxda, isaga oo saaray Wesley Fofana oo ahaa qalbiga difaaca iyo Joao Felix oo culays badan ku hayay difaaca Everton.

Labadii ciyaartoy ee uu soo geliyey ee Carney Chukwuemeka iyo Trevoh Chalobah oo aan wali kubadda taabanin ayay Everton si fudud ku burburisay difaaca Chelsea oo ay keentay goolka barbarraha. Xiddiga da’da yar ee Ellis Reco Simms oo beddel kusoo galay iyadoo dhamaadka ciyaarta ay 11 daqiiqadood  ka hadhsan yihiin ayaa kubbad uu kasoo qaatay dhinaca bidix waxa uu dhinac ka dhigay Kepa oo inkasta oo uu taabtay haddana joojin kari waayey.

Ellis Reco Simms oo ay da’diisu tahay 22 jir ayaa si weyn ugu dabbaal-degay goolka uu dhaliyey oo kooxdiisa uga dhignaa sidii ay guuleysteen oo kale, sababtoo ah waqtiga uu goolku dhashay oo ahaa daqiiqaddii 90aad.

Shan daqiiqadood oo dheeraad ahaa oo lagu daray ciyaarta ayay Chelsea u dhowaatay inay shabaqa soo taabato iyadoo kubaddii ugu dambaysay oo madax ahayd ay birta dhinaca midig ka martay.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Chelsea ay haysato 38 dhibcood oo ay wali ku jirto booska kaalinta tobnaad ee horyaalka Premier League, halka Everton ay soo cidhiidhsatay kaalinta 15aad oo ay ku haysato 26 dhibcood.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*