Chelsea Oo U Dhaqaaqday Xiddiga Noqonaya Saxeexa Labaad Ee Ugu Qaalisan Taariikhda Blues Saacado Kaddib Markii Ay Lasoo Wareegeen Marc Cucurella

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa u dhaqaaqday saxeexa ciyaartoy noqon doona xiddigii labaad ee ugu qaalisan taariikhda Blues, kaddib markii ay maanta gacanta ku dhigeen Marc Cucurella oo ay kala soo wareegeen Brighton & Hove Albion, isla markaana ay saxeexiisa ku garaaceen Manchester City oo kula tartamaysay.

Kooxda reer London ayaa waxay diyaarinaysaa dalab buuxinaya shuruuddii lagaga xidhay saxeexa difaaca kooxda Leicester City ee Wesley Fofana oo ay da’diisu tahay 21 jir, kaas oo hore looga diiday dalab ay ka gudbiyeen oo xambaarsanaa £60 milyan oo Gini.

21 jirkan ayaa la sheegay in hadda uu mulkiilaha cusub ee Chelsea ee Todd Boehly uu u diyaariyey £85 milyan oo Gini oo ay ku xidhay Leicester City, taas oo ka dhigi doonta ciyaartoygii labaad ee ugu qaalisan taariikhda Chelsea, waxaana kaliya ka horreynaya Romelu Lukaku oo xagaagii hore ay £97.5 milyan oo Gini kaga soo iibsadeen Inter Milan.

Difaacan reer France ee Wesley Fofana oo kasoo baxay kulliyadda da’yarta Saint-Etienne ayay Leicester City ku xidhay qiime la mid ah intii ay Manchester United kaga iibisay Harry Maguire sannadkii 2019.

Sida uu xaqiijiyey wargeyska The Sun, Chelsea ayaa miiska u saari doonta Leicester City lacag dhan £85 milyan oo Gini, si uu ugu buuxiyo booska difaaca midig ee uu bannaynayo Cesar Azpilicueta oo sannadkii ugu dambeeyey qandaraaskiisa galay.

Wesley Fofana oo sidoo kale ka ciyaari kara difaaca dhexe iyo dhawr boos oo kale oo uu ku jiro khadka dhexe ayaa waxa uu Thomas Tuchel u isticmaali karaa boosaskii ay banneeyeen Antonio Rudiger iyo Andreas Christensen.

Thomas Tuchel oo hore uga cadhaysnaa saxeexyadii lagu garaacay ee Raphinha iyo Jules Kounde, ayaa waxa uu Todd Boehly go’aansaday inuu hadiyad uga dhigo Wesley Fofana, kaddib markii uu hore gacanta ugu soo geliyey Marc Cucurella oo maanta kasoo degay Cobham oo ay £62 milyan oo gini kaga soo iibsadeen Brighton, waxaana kasii horreeyey Kalidou Koulibaly iyo Raheem Sterling.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*