Chelsea Oo Guul-darro Halis Gelinaysa Kaalinteeda 3AAD Ee Horyaalka Kala Kulantay Everton Iyo Tottenham Oo La Wareegtay Booska 4aad

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa guul-darro kala soo gaadhay, waxaanay ogolaatay in lagu soo dhowaado booskeeda kaalinta afraad oo ay hadda kaabiga usoo saaran yihiin Tottenham iyo Arsenal, kaddib markii ay guul-darro 1-0 ah kala kulantay Everton oo ku heshay rajo ah inay ka badbaado heerka labaad.

Qalad xun oo uu sameeyey Cesar Azpilicueta ayaa sabab u noqday guul-darrada soo gaadhay Chelsea, taas oo sabab u noqotay inay furanto tartanka kaalinta saddexaad ee Premier League.

Everton ayaa heshay saddex dhibcood oo ay aad ugu baahnayd si ay uga badbaadi karto inay heerka labaad u dhacdo, waxaana goolka muhiimka ah bilowga qaybta labaad u saxeexay weeraryahanka reer Brazil ee Richarlison.

Kubbad loo dhiibay Cesar Azpilicueta ayaa uu lugtiisa ku sii hayey, waxaana uu waqti dambe isku dayay inuu baas bixiyo, hase yeeshee Richarlison ayaa ka hor-qaatay, waxaana uu usii dhiibtay Gray oo isaguna u celiyey Richarlison oo kubadda weydaariyey goolhaye Mendy.

Ciyaarta oo ay inteeda badan maamulaysay Chelsea ayaa waxay awoodi weyday inay jabiso darbiga difaaca uu ka hor dhisay Frank Lampard, halka kooxda garoonkeeda joogtay ay iska khasaarisay fursado badan oo ay goolal ku dhalin karayeen.

Dhamaadkii ciyaarta ayay Everton heshay laba fursadood oo goolal loo qaatay oo ay u dhowaadeen inay kusii kordhistaan goolasha, balse goolhaye Mendy ayaa midkood badbaadiyey, mid kalena goolka ayay la seegeen.

Jordan Pickford ayaa kabsaday quluubta jamaahiirta kooxdiisa markii uu waqtigii dheeraadka ahaa badbaadiyey kubbad uu meel dhow kaga toogtay Kovacic, waxaana u kacay jamaahiirta kooxdiisa oo si weyn ugu dabbaal-degay badbaadintiisa.

Natiijadan ayaa ka dhigan, in Chelsea ay haysato 66 dhibcood, waxaanay shan dhibcood ka horreysaa Tottenham oo afraad soo gashay, balse Arsenal ayaa saddex dhibcood oo kaliya u jirsan doonta Chelsea haddii ay galabta ka badiso West Ham United.

Everton ayaa iyaduna wali ku jirta  kaalinta 18aad ee horyaalka Premier League, waxaanay ku jirtaa khadka cas, hase yeeshee waxay laba dhibcood oo kaliya ka dambeeyaan Leeds United.

Dhinaca  kale, Tottenham ayaa soo cidhiidhsatay kaalinta afraad ee horyaalka Premier League oo ay si ku-meelgaadh ah ula wareegtay, waxaanay hayn doontaa illaa inta ay Arsenal soo badinayso.

Spurs waxay 3-1 ku karbaashtay Leicester City oo marti u ahady, taas oo ay ku garaacday 3-1, waxaana laba ka mid ah goolashaas dhaliyey Heung-min Son oo kusoo dhowaaday Mohamed Salah oo ay ku tartamayaan abaal-marinta kabta dahabka ah, saddex gool oo kaliyana uu ka dambeeyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*