Chelsea Mise Barcelona? Daafaca Sevilla ee Jules Kounde Oo Kala Doortay Kooxaha Ku Tartamayay

Waxa daboolka laga qaaday kooxda uu inuu ku biiro isha ku hayo daafaca dhexe ee Sevilla ee Jules Kounde oo sanadkii labaad oo xidhiidh ah lala xidhiidhinayo inuu iskaga baxayo gegida Ramon Sanchez Pizjuan.

Kounde ayay mudada ugu dheer daba socotay kooxda Premier League ee Chelsea oo xagaagii hore ku dhawaatay inay hesho balse haatan waxa la aaminsan yahay in Barcelona ay af-duuban karto heshiiskaas.

Sida uu sheegayo wakhtigan wargeyska Mundo Deportivo, dareenka Kounde ayaa ah haatan inuu ku biiro Barcelona oo uu qalbiga gashaday.

Balse maaha wax sahlan in Kounde uu ka dhabeeyo heshiiska uu ku riyoonayo sababtoo ah in Barcelona ay wakhti adag dhaqaale ahaan ku jirto.

Barca ayaa sugaysa kahor dhammaadka bishan inay iibiso 10% kamida xuquuqdeeda TV-yada si ay intaas kaddib ugu dhaqaaqi karto saxeexyo waaweyn.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Barcelona ay heshiis la gaashay Sevilla kaas oo ah inay bixiso 51 Milyan oo pound isla markaana ciyaaryahan dheeri ah u raaciso.

Blaugrana ayaa isku dayi doonta inay heshiiska raaciso daafaca midig ee ree Maraykan ee Sergino Dest kaas oo kooxo kala duwan lala xidhiidhinayay.

Sevilla oo labadii sano ee ugu dambeeyay kahor istaagtay Kounde bixitaan ayaan markale doonayn inay diido hammiga 23 sano jirkaas balse rajaynaysa inay lacag wanaagsan ku hesho iibkiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*