Chelsea, Man City, Real Madrid, PSG: Akhriso 20ka Kooxood Ee Lacagta Ugu Badan Ku Karash-gareeyey Suuqa Iibka Ciyaartoyda Qarnigan 21aad

Laga soo bilaabo sannadkii 2000, kooxaha waaweyn ee Yurub waxa suuqa geliyeen lacago aad u badan oo ay ciyaartooyo ku iibsadeen, waxaase suuqa si weyn uga dhex muuqday kooxaha laga leeyahay dalalka Carabta ee Manchester City iyo Paris Saint-Germain oo maalgelin weyn lagu sameeyey.

Man City oo sannadkii 2008 ay iibsatay shirkadda Abu Dhabi United Group, ayaa waxay 14kii sannadood ee kasoo wareegtay xilligii ay Imaaraadku yeesheen waxay kharash garaysay lacago balaayiin Gini ah, waxaana ugu dambeeyey oo ay qasnaddooda u jabiyeen Erling  Haaland oo £51 milyan oo Gini ay kagala soo wareegeen Borussia Dortmund.

Wali fari kama qodna faanoole! City waxay doonaysaa in xagaagan ay laba saxeex oo kale samayso, waxaana u calaamadsan Marc Cucurella oo difaaca bidix uga ciyaara Brighton iyo Kalvin Phillips oo khadka dhexe uga dheela Leeds United.

Inkasta oo ay lacago badan kharash garaysay, haddana Man City kuma jirto kaalinta koowaad ee naadiyada lacagaha ugu badan ciyaartoyda ku bixiyey qarnigan 21aad, waxaana booskaas kali ku ah oo haysata Chelsea oo uu mulkiilaheedii hore ee Roman Abramovich lacago badan ku maalgeliyey markii uu la wareegay sannadkii 2003.

20ka kooxood ee lacagaha ugu badan suuqa geliyey oo la shaaciyey ayaa waxa kaalinta koowaad kaga jirta Chelsea oo €2.44 bilyan oo Euro ciyaartooyo ku iibsatay, waxaana ku xigta Manchester City oo iyaduna kharash garaysay €2.4 bilyan oo Gini, taas oo ka dhigan in aanay wax badan is dheerayn.

Real Madrid ayaa u dhacday kaalinta saddexaad inkasta oo ay saxeexyo waaweyn samaysay 20kii sannadood ee ugu dambeeyey isla markaana ay dhawr jeer oo kala duwan Santiago Bernabeu keentay ciyaartoyda ugu qaalisan.

Halkan kaga bogo 20ka kooxood ee lacagta ugu badan ciyaartoyda ku kharash gareeyey 22kii sannadood ee u dambeeyey

20. Aston Villa – €981.73 milyan

19. Borussia Dortmund – €985.29 milyan

18. Everton – €991.38 milyan

17. Napoli – €1.06 bilyan

16. AS Monaco – €1.13 bilyan

15. Bayern Munich – €1.15 bilyan

14. AS Roma – €1.39 bilyan

13. Arsenal – €1.43 bilyan

12. Tottenham Hotspur – €1.46 bilyan

11. AC Milan – €1.47 bilyan

10. Atletico Madrid – €1.49 bilyan

=8. Paris Saint-Germain – €1.73 bilyan

=8. Liverpool – €1.73 bilyan

7. Inter Milan – €1.76 bilyan

6. Manchester United – €2.02 bilyan

5. FC Barcelona – €2.24 bilyan

4. Juventus – €2.25 bilyan

3. Real Madrid – €2.27 bilyan

2. Manchester City – €2.4 bilyan

1. Chelsea – €2.44 bilyan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*