Chelsea, Juventus Mise Barcelona? Kooxda Uu Qalbiga Gashaday Inuu Kalidou Koulibaly Ku Biiro Oo La Ogaaday

Daafaca dhexe ee kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly oo ay sarreyso suurogalnimada uu suuqa xagaagan kaga tagayo kooxdaas ayaa lagu soo warramayaa inuu kala doortay kooxaha lala xidhiidhinayo.

Daafaca ree Senegal oo kooxda ka ciyaarta Serie A in ka baan 300 kulan usoo ciyaaray tan iyo 2014 markii uu kusoo biiray ayuu heshiiskiisa hal sano ka hadhay.

Il-wareedka ESPN ayaa sheegaya in Koulibaly uu isha ku hayo inuu habeeyo qaab uu uga baxo gegida Deigo Armando Maradona Stadium xagaagan iyadoo kooxda uu ku biiristeeda doorbidayaa tahay Barcelona.

Isla ESPN ayaa sheegaysa in kooxaha kale ee kala ah Tottenham, Chelsea iyo Juventus ay isku dayeen inay wadahadalo saxeexiisa ah la bilaabaan 30 sano jirkaas.

Warbixinta ayaa sheegaysa in Barcelona ay ka warqabto doonista Kalidou ee inuu kooxdooda kusoo biiro balse aan wali wax dhaqaaq ah dhinaciisa u samayn walow Xavi doonayo inuu soo xoojiyo daafaciisa.

Xavi ayaa doonaya isagu saxeexa daafaca dhexe ee Sevilla ee Kalidou Koulibaly balse qiimahiisa 65-ka Milyan ee pound ah ayaa u diidaya.

ESPN ayaa sidoo kale xusaya in Barca ay isku dayi doonto inay Napoli u bandhigto heshiis ay Koulibaly kaga bedelanayso khadka dhexe ee Miralem Pjanic.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*