CHAMPIONS!!!! Real Madrid Oo Ku Guuleysatay Spanish Super Cup & Rikoodhka Cajiibka Ah Ee Loo Diiwaangeliyey

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa markii 12aad ku guuleysatay koobka Spanish Super Cup, kaddib markii ay 2-0 ku garaacday Athletic Bilbao oo ay ku wada ciyaareen waddanka Sucuudi Carabia.

Laba gool oo midkood rikoodhe ahaa oo ay kala dhaliyeen Luka Modric iyo Karim Benzema ayaa Real Madrid ku hoggaamiyey guusha koobkeedii koowaad ee xilli ciyaareedkan, kaas oo fure u noqday waayaha tababare Carlo Ancelotti ee dib usoo laabashadiisa Real Madrid.

Los Blancos oo ah kooxda labaad ee ugu guuleysiga badan koobka Spanish Super Cup ayaa markii labaad hantiday saddex sannadood gudahood, waxaanay sidan oo kale waddanka Sucuudiga ugu soo guuleysatay sannadkii 2019 oo ay ka qaadday Atletico Madrid.

Athletic Bilbao oo sannadkii hore wareegga semi-finalka ku reebtay Real Madrid ayaa ciyaarta ku bilaabatay si dardar leh, hase yeeshee Real Madrid oo muujisay kalsooni iyo kubbad qaan-gaadh ah oo sababtay inay laba gool keenaan, isla markaana ay ka aargoostaan Bilbao.

Karim Benzema, Toni Kroos, Casemiro iyo Rodrygo ayaa tijaabiyey goolhaye Unai Simon ka hor intii aanu gool-dhalinta furin Luka Modric daqiiqaddii 38aad, markaas oo uu saxeexay goolka furaha u noqday guusha kooxdiisa.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ee ay socotay lix daqiiqadood ayaa Real Madrid loo dhigay rikoodhe looga soo hubiyey VAR, kaddib markii ay kubaddu gacanta kaga dhacday Yeray, waxaana gool u beddelay Karim Benzema iyadoo uu goolhaye Unai Simon uu sii taabtay kubadda ka hor intii aanay shabaqa gaadhin.

Real Madrid ayaa dib u fadhiisatay markii ay labada gool la timid, waxaanay ciyaarta u fasaxday Athletic Bilbao oo fursado badan heshay.

Khabiirka ruug-caddaaga ah ee Raul Garcia ayaa saddex fursadood oo halis ahaa helay, sidoo kalena Muniain ayaa lumiyey kubbad gool loo qaatay.

Real Madrid ayaa noqotay 10 ciyaartoy daqiiqaddii 88aad, kaddib markii uu Eder Militao ay kubaddu gacanta kaga dhacday, taas oo laga soo hubiyey VAR.

Garsooraha ciyaarta ayaa rikoodhe ku dhigay Real Madrid, waxaase geesinimo muujiyey Thibaut Courtois oo ka badbaadiyey Raúl García. Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-0 ay guushu ku raacday Real Madrid.

Real Madrid ayaa sidaa ku qaadatay markeedii 12aad tartanka Spanish Super Cup oo sannadkii 2017 lagu sameeyey isbeddel ah in afar kooxood ay wada ciyaaraan halkii ay hore u ahaan jirtay laba kulan oo labada garoon ah oo ay laba kooxood oo kali ahi ciyaaraan.

13kii final ee ugu dambeeyey ee dhamaan tartamada, Real Madrid ayaa koobka qaadatay 12 ka mid ah, waxaana ugu dambaysay ciyaartan ay ku garaaceen Athletic Bilbao. Waa rikoodh cajiib ah oo aan hore uga dhicin garoomada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*