CEEB WEYNAA: Gary Neville Oo Waji Gabaxii Ugu Weynaa Kala Kulmay Xalay Guushii Weyneyd Ee Spain

Khabiirka kubadda cagta England ee Gary Neville ayaa si weyn ugu ceeboobay aragti uu ka dhiibtay xalay xulka Spain kahor kulankii ay toddobada gool ku xasuuqeen dhigooda Costa Rica.

Gary Neville ayaa inta koobka aduunku socdo kasoo maqan Sky Sports oo uu mudo ka shaqaynayay isagoo ka hawl-galaya muuqbaahiyaha Qatar laga leeyahay ee beIN Sports.

Neville ayaa kulankaas xalay ee Spain kahor uu ka fakaday hadal markii dambe waran ku noqday oo ah in xulka Spain halka uu ka liitaa ay tahay inuusan goolal dhalin karayn.

Dabcan La Roja ayaa weeraryahan aan la aqoonsanayn garoonka ugu jirin bilawga kulanka iyadoo Marco Asensio oo gool dhaliyay No.9 ka ciyaarayay balse goolasha ayaa meelkasta ka imanayay.

“Dhibaatada Spain haysataa waxa weeyaan ma haystaan qof gool dhalinaya” ayuu ahaa hadalka ka tagay Gary kahor inta aysan toddoba gool lix xiddig oo kala duwan u dhalin Spain.

Intaas kaddib jamaahiirta ayaa si weyn ugu maadsaday Neville iyadoo lasoo qaadanayay hadalka uu gool dhalinta Spain wax kaga sheegay.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*