CEEB: Qatar Oo Ogolaatay In KHANIISIINTU Yimaaddaan Dalkeeda, Wax Dhibaato Ahna Aan Loo Geysan Doonin

Qaban-qaabiyeyaasha Koobka Adduunka ayaa shaaciyey, in waddanka Qatar uu ogolaaday in khaniisiintu ay yimaaddaan dalkaas oo ay ka soo qayb-galaan daawashada Koobka Adduunka ee dhamaadka sannadkan lagu qabanayo, isla markaana loo ballan-qaaday in aanay wax dhibaato ah la kulmi doonin.

Mark Bullingham oo ah agaasimaha xidhiidhka kubadda cagta Adduunka ee FIFA oo ay wehelinayaan xubno ka socda UEFA ayaa safar ku tegay magaalada Doha ee waddanka Qatar, waxaanay ujeeddadoodu ahayd in khaniisiinta loo ogolaado inay dalkaas tagaan oo ay ka qayb-galaan Koobka Adduunka.

Qatar ayaa qaadaysa tallaabo kasta si ay uga farxiso reer Galbeedka, iyaga oo meel iska dhigay diintooda Islaamka iyo dhaqanka Carbeed.

Bullingham ayaa hore u sheegay, in 13ka waddan ee qaaradda Yurub uga qayb-gelaya Koobka Adduunku, inay hal dhinac uga soo wada jeedsanayaan oo ay bixin doonaan calaamad ay ugu doodayaan dadka isku jinsiga ah ee is-guursada ee loo yaqaano Khaniisiinta, waxaana isaga oo farrintaas xambaarsan uu la kulmay madaxda waddanka Qatar oo uu ku qanciyey inay ogolaadaan in dalkeeda ay yimaaddaan Khaniisiinta.

Arrintan oo la  filayo inay cadho ka kiciso dalalka Carabta gaar ahaan shacabka reer Qatar ayaanay dawladda dalkaasi ka hadal, hase yeeshee Bullingham oo la kulmay madaxda ugu sarraysa dalkaas  iyo hay’adaha Qatar ee u dooda xuquuqda  Insaanka ayaa waxa uu sheegay inay isla qaateen, in la ogolaado Khaniisiinta oo waliba la damaanad-qaado amnigooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*